4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 1 , 2015
SOMALILAND: W. Waxbarashada oo Shaacisay Imtixaankii Shahaadiga ee dugsiyada Sare/dhexe


Talaado, September 01, 2015 (HOL) — Wasaaradda Waxbarashada ee Somaliland ayaa maanta ku dhawaaqday imtixaankii Shahaadiga ahaa ee Dugsiyadda Sare iyo kuwo Dhexe ee Somaliland.

Wasaaradda Waxbarashada Somaliland ayaa sheegtay inay sanadkan Dugsiyada Sare iyo dhexeba imtixaanka u fadhiisteen in ka badan Afar iyo Labaatan Arday.

Wasaaradda ayaa sheegtay in faraq weyne uu u dhexeeyo Sannadkii hore iyo Sannadkan, waxaanay xustay in Iskuuladda dhexe ee sanadkii hore u fariistay imtixaanka uu ahaa 289 Iskuul, halka Sannadkan ay u Fariisteen 323 Iskuul. Sidoo kale dugsiyada sare ee sanadkii hore u fadhiistay imtixaanka ay dhamayd 89 Dugsi, Halka sanadkan ay u fadhiisteen 97 iskuul.

Sanadkii hore tirada ardayda dugsiyada dhexe waxay ahayd Saddex iyo toban kun iyo saddex boqol(13300 Arday), halka sanadka ay u fadhiisteen Saddex iyo toban kun sagaal boqol iyo sideetan iyo shan(13985 Arday).

Dugsiyada Sare Sannadkii hore waxay ahaayeen Toddoba Kun iyo Siddeed Boqol (7800 Arday), halka Sanadkan ay ka yihiin Sagaal kun saddex boqol iyo afar iyo konton (9354 Arday).

Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, Faarax Geedoolle ayaa ugu Horreyn Hambalyo u diray dhammaan Ardayda sannadkan guulaysatay isagoo sheegay in sannad dugsiyeedkii maalinta uu si rasmi ah u furmay.

“Dhawrkii bilood ee imtixaanku socday waxaan fadhiyey halkan wax sir ah oo ka soo baxay ma jirto, macaliminta imtixaanka saxayeyna har iyo habeenba way shaqaynayeen, waxaana hambalyo u dirayaa ardayda imtixaankaasi gashay,” ayuu yidhi Wasiirka waxbarashadda Faarax Geedoolle.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.