4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 1 , 2015
Askar ka tirsan AMISOM oo lagu dilay Weerarkii Al-shabaab ay ku Qaaday Saldhiggooda Jannaale


Talaado, September 01, 2015 (HOL) — Ugu yaraan 19 Askari oo ka Tirsanaa Ciidamada AMISOM ee ka socda Uganda ayaa lagu dilay weerar Al-shabaab ay ku Qaadday Saakay Aroortii hore saldhig ay AMISOM ku leedahay deegaanka Jannaale ee Gobolka Shabeellada Hoose.

Saraakiil ka tirsan Dowladda Somalia oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay in sidoo kale lagu dhaawacay weerarkaas  tiro kale oo ciidamada AMISOM ka tirsan, tiro kalena ay Gacanta ku dhigtay Al-shabaab iyagoo nool.

Al-shabaab ayaa iyaduna Shaacisay inay Weerarkii ay saakay ku qaadeen Saldhigga ay ku lahayd AMISOM Deegaanka Jannaale oo 110-km Koonfur kaga beegan Muqdisho ay ku dileen 50-askari oo Ciidamada AMISOM ka Tirsanaa.

Goob-joogayaal ku sugan Jannaale ayaa iyagana laga soo Xigtay in Al-shabaab ay Jareen buundada Jannaale markii ay weerarka soo qaadeen, si aysan ciidamada AMISOM u helin wax gurmad ah; ayna arkeen dhimashada askar ka tirsan kuwa AMISOM ee saldhiggaas ku sugnaa.

Dhanka kale, War-saxaafadeed ay soo saartay AMISOM ayay ku sheegeen inay xerada ay Al-shabaab la wareegtay ayna haysteen muddo kooban, sidoo kalena uu khasaare dhimasho iyo dhaawac ah kasoo gaartay Ciidamadoodii ku sugnaa saldhigga Jannaale ee la weeraray.

“Al-shabaab Waxay Weerarka Saldhiggeenna AMISOM u Isticmaaleen Baabuur ay kasoo buuxiyeen waxyaabaha Qarxa, si ay ugu fududaato inay xerada gudaha u galaan, Waxaana dagaal uu gudaha xerada ku dhexmaray ciidankeenna iyo kuwa Al-shabaab ee weerarka soo qaaday,” ayay AMISOM ku sheegtay Warka ay soo saartay.

Sidoo kale, AMISOM ayaa Xustay in Ciidamadooda ay dib ugu laabteen saldhigga oo ay si buuxda gacanta ugu hayaan hadda, iyadoo sheegtay inay jiraan khasaarooyin ka soo gaaray weerarkaas, inkastoo aysan sheegin tirada askarta wax uga noqday weerarka Al-shabaab.

Ergayga Midowga Afrika ee Somalia, Danjire Maman Sidikou ayaa si adag u cambaareeyay weerarka; isagoo ammaanay ciidamada AMISOM oo uu sheegay inay si geesinimo leh uga hortageen weerarkaas, askartii dhintayna ay naftooda u hureen sidii ay dadka Soomaaliyeed u difaaci lahaayeen.

Ugu dambeyn, Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa Dowladda iyo shacabka Uganda uga tacsiyeeyay geerida askartii uga dhigtay weerarkii maanta ka dhacay deegaanka Jannaale oo ay mas’uuliyaddiisu sheegatay Al-shabaab.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya