4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 1 , 2015
Baarlamaanka Jubbaland oo Kordhiyay Waqtiga lagu soo Dhisayo Golaha Fulinta (SAWIRRO)


Talaado, September 01, 2015 (HOL) — Kulan ay Maanta isugu yimaadeen xildhibaannada Baarlamaanka Jubbaland ayay uga Doodeen Codsi uga yimid Madaxweynaha Jubbaland oo ahaa in muddo 60 Maalmood ah loogu daro xilliga uu kusoo dhisayo Golahihiisa fulinta ama Wasiirrada.

Dastuurka maamul goboleedka Jubbaland ayaa Qoraya in muddo 21 Maalmood ah oo ka bilaabaneeysa marka la dhaariyo madaxweeynaha in uu kusoo dhiso golihiisa wasiirada.

Xildhibaannada ayaa ugu horeyn cod u qaaday sida ay mudaneyaashu u arkaan in wax ka badal lagu sameeyo qodobka qoraya xilliga uu madaxweynaha kusoo magacaabayo golihiisa wasiirada, waxayna mudaneyaashu isku raaceen in wax laga badalo qodobkaasi.

Kadib qudbado kala duwan oo ay goobta ka jeediyeen Xubnaha Baarlamaanka Jubbaland ayay dhamaantood sheegeen inay lagama maarmaan tahay in Madaxweynaha loo kordhiyo xilliga, iyagoo sheegay inay jiraan Arrimo badan oo u baahan in laga Fiirsado oo Hor-yaalla Maamulka.

DAAWO: Kulankii Baarlamanka Jubbaland ee Maanta uu Muddada ku Kordhiyay;

Intaa kaddib waxaa cod loo Qaaday 60-ka maalmood ee uu soo codsaday Madaxweynaha, waxaana kalfadhigii maanta oo ay soo xaadireen 59 Mudane ay 55 kamid ah u codeeyeen in Madaxweynaha loogu daro 60 maalmood oo ka bilaabaneeysa 5-ta Bisha September ee foodda nagu soo heeysa oo ah xilliga uu ku egyahay waqtiga 21 maalmood ee uu dastuurku qorayo, saddex mudane way diideen halka hal mudane oo kalena uu ka aamusay.

Ugu dambeyn, Gudoonka Baarlamanka Jubbaland ayaa sheegay in Baarlamaanku cod Aq-labiyad ah ku ogolaaday in mudo 60 Malmood ah loogu kordhiyo xilliga uu Madaxweynuhu kusoo dhisayo Golaha Wasiirrada Jubbaland.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya