4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 1 , 2015
SAWIRRO: Siyaasiyiin iyo Waxgarad kasoo Hor-jeestay Dhisidda Maamulka Hiiraan & Sh/Dhexe


Talaado, September 01, 2015 (HOL) — Iyadoo horraantii Bishii hore ee Agoosto xarunta Madaxtooyada Soomaaliya lagu saxiixay hishiis dhigayay dhismaha maamul ay ku mideysan yihiin Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, ayaa dhinaca kale waxaa soo if-baxaya diidmo ka imaneysa siyaasiyiinta, waxgaradka, iyo qurba joogta gobolka Hiiraan oo ka soo horjeestay isku-darka labada gobol.

Tawane Sabriye Fiidse oo ah guddoomiyaha qurba joogta Hiiraan oo shalay si weyn loogu soo dhaweeyay magaalad Beledweyne, ayaa shegay in aysan aqbali doonin sida uu hadalka u dhigay in gobolka Hiiraan la raaciyo Shabeellaha dhexe.

“Hiiraan wax dad yari faraqa ku qaadaan way ka weyn tahay, Hiiraan Wax Saaxiibbo lagu noqdana way ka weyn tahay, Hiiraan wax xili habeennimo ah lala dheel-mado way ka weyn tahay, Waxaan leeyahay maalin cad aan wax Qaybsanno; Soomaali ha Wadda Hadasho, Federaalka laga hadlayana Hiiraan isaga ayaa isagu fillan... Labo gobol ayuu noqon karaa; saddex gobol ayuu noqon karaan, baaxad ahaan iyo kheraad ahaanba waa isku fillan yahay, sidaa awgeed kuwa ka shaqeynaya in la isku darro Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe Waxaanan leennahay arrintaa waan diidnay,'' ayuu yiri Tawane Sabriye.

Gobolka Shabeellaha Dhexe ayuu sheegay inuu Qayb ka yahay Gobolladii ka Farcamay Banaadir, siddaa awgeed bulshada iyo siyaasiyiinta gobolka aqbali doonin sidda uu hadalka u dhigay in lagu darro gobolka Hiiraan.

“Reer Jowhar iyo Reer Beledweyne waxaan leennahay waa Dad Walaalo ah, bulshada reer Hiiraan iyaga ayaa aayahooda ka tashanaya, siddaa si la mid ah ayaan leenahay reer Jowhar ka fakara mustaqbalkiiinna Siyaasadeed,'' ayuu hadalkiisa raaciyay.

Siddoo kale, qaar ka mid ah waxgaradkii iyo odayaashii dhaqanka ka qayb-galay madashii uu hadalka ka jeediyay guddoomiyaha qurba joogta Hiiraan, oo HOL la hadllay ayaa sheegay in ay ka soo horjeedaan qorshaha dowladda Somalia ee lagu dhisayo maamulka ka kooban Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe, iyaga oo ku eedeeyay dowladda Somalia in markii horeba arrintan wax la tashiyo ah aysan kala sameyn Qaybaha bulshada.

Horay waxaa qorshahan uga hor yimid siyaasiyiin iyo xildhibaanno kasoo horjeeda gobolka Hiiraan oo DF ku cadaadinayay in ay aqbasho sharci ahaanshaha gobolka Shabeellaha sare oo ka farcamay gobolka Hiiraan islamarkaana uu Tikiraato ku magacaabay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, hasse ahaatee dhinaca dowladda uu hogaamiyo madaxweynaha Somalia ma aysan u dhaga-nuglaan baaqa xildhibaannada iyo siyaasiyiinta, Waxaana ugu Danbeyntii la Saxiixay Heshiis lagu dhisayo Maamul ka Kooban Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe.

Ugu dambeyn, Lama oga diidmada mar kale ay muujinayaan siyaasiyiinta, waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan waxa ay ka badali karto qorshaha dowladda Somalia ee dhismaha maamulka labada gobol.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya