4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 1 , 2015
SAWIRO: Jaamacada SIMAD oo Maanta xaflad soo dhaweyn ah u Qabatay Kun Arday oo Cusub


Talaado, September 01, 2015 (HOL) — Jaamacadda SIMAD ayaa Maanta Munaasabad soo dhaweyn ah u sameysay illaa 1,000 Arday ah oo cusub, kuwaasoo Jaamacadda kusoo biirtay Sannadkan, waxna ka baran doona takhasusyo kala duwan.

Munaasabad lagu qabtay xarunta Jaamacadda ee magaalada Muqdisho, waxaa kasoo qeyb galeen macallimiin, waaliddiin, arday iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay xafladda.

“Muddo dheer ayaan ku Hamminayay inaan Jaamacad billaabo, maanta ayay ii suuro-gashay, waxaan aad ugu faraxasanahay inaan kusoo biiro Jaamacadda SIMAD anigoo weliba kasoo baxay Dugsi sare, waxaana u doortay oon ku qancay kuliyadaha Jaamacaddan laga dhigo,” ayay tiri Fardowsa Maxamed Ciise oo ka mid ahayd Ardayda Jaamacaddu Qaadatay Sannadkan.

Jaamacadda SIMAD waxay bixisaa Sagaal kulliyadooda ka kooban 21 Takhasus, kuwaasoo ay Ardaydu baran karaan, waxaa dheer waxbarashada shahaaddada labaad (Master Degree) oo leh takhasusaad kale.

Guddoomiyaha Jaamacadda SIMAD, Daahir Xasan Cabdi ayaa soo dhaweeyay Ardayda kusoo biiray Jaamacadda SIMAD, kuwaasoo ka mid noqonaya ardaydii horay wax uga baran jiray Jaamacadda.

"Aad ayaan ugu faraxsan ahay inaad doorateen inaad ka mid noqotaan Ardayda wax ka barta Jaamacaddda SIMAD, soo dhawaaada Jaamacadda waa Jaamacaddiina, maanta laga billaabana waxaad ka mid noqoteen ardayda Jaamacada," ayuu Guddoomiyaha Jaamacadda SIMAD yiri.

Ugu dambeyn, Jaamacadda SIMAD oo la Aasaasay Sannadkii 1999-kii, Waxay Ardayda Qaadataa laba jeer Sannadkii, iyadoo iminka ay dhigtaan ku dhawaad 4,000 oo Arday ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya