4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 1 , 2015
DANJIRE KAY: Xaalad Bani’aadamnimo ayaa ka jirta Somalia Inkastoo Amnigu Hagaagsan yahay


Talaado, September 01, 2015 (HOL) — Ergayga Qaramada Midoobay ee Somalia, Danjire Nicholas Kay ayaa sheegay in Adduunku uusan kasii jeesan karin Somalia, iyadoo ay sare u kacayaan dadka cunno-yaridu ku hayso Somalia.

Danjire Kay oo u warramayay BBC-da ayaa sheegay in Somalia aysan wali sidii loogu talo-galay loogu helin Kharashaadkii Caalamiga ahaa ee loo Dalbay si loo Caawiyo Kumannaan Soomaali ah oo dalka gudihiisa ku dhibaateysan.

Hadalka Kay ayaa imaanaya iyadoo Qaramada Midoobay ay shalay sheegtay in 3.1 Milyan oo Qof oo Soomaaliya ku nool ay u baahan yihiin Gargaar Bani’aadamnimo oo deg-deg ah, iyadoo Danjire Kay uu sheeegay inay xaaladdu ka sii dari karto Dhamaadka Sannadkan.

“Waxaa jirtay lixdii bil ee u dambeysay dareen xoog leh oo ku saabsan in dad ku dhow 17% oo u dhiganta 855,000 oo ruux ay ku baahan yihiin Gargaar Deg-deg ah. Middaas ka sokow waxaa kaloo jira dareen xoog leh oo ku Saabsan Digniino soo baxaya oo sheegaya in laga yaabo in Roobabkii El Nino ay sannadkan lagu jiro ka dhacaan Somalia, kuwaasoo keeni kara inay ka dhashaan daadad xoog leh cilimmada noocaas ah, gaar ahaan Gobollada Shabeelooyinka iyo sidoo kale kuwa Jubbooyinka,” ayuu Danjire Kay ku yiri Wargeysiga uu siiyay BBC-da.

Sidoo kale, Danjire Kay ayaa waxaa la weydiiyay su’aal kale oo ahayd; sida QM ay ugu diyaar-garowday sidii ay wax uga qaban lahayd musiibooyinkaas inay ka dhacaan Somalia laga yaabo, wuxuuna ku jawaabay.

“Waxaa jira Diyaar-garow aan Sameynay oo aanu uga Jawaabayno Saameynta ay Sababi karto El Nino-nada la filayo inay dhacdo. Waxaa kaloo jirta lacag la’aan oo lacagihii loogu talo-galay gargaarka Somalia aan lasoo dhameystirin.”

Danjire Kay, waxaa kaloo la weydiiyay Arrimaha Amniga Soomaaliya, isagoo xusay in wax badan la qabtay arrimaha Amniga, xilliganna ay Somalia tahay meel soo hagaagaysa marka loo eego sannadihii hore. Wuxuu intaas ku daray Somalia in ay tahay Wadan Dadkiisu isku imaanayaan oo sameysanaysa Nidaam Federaali ah; Baarlamaanka iyo dowladda Muqdisho fadhidana waxay isku diyaarinayaan in la helo haykal dowladnimo.

Ergaygu wuxuu hadalkiisa raacyay in arrimahaas oo dhan ay yihiin kuwo aad u wanaagsan, balse hadda waxaa la galayaa buu yiri xilligii uu sii dhamaanayay xilligii jiritaanka dowladda iyo baarlamaanka, waxaana loo baahan yahay in la sameeyo Qaab Doorasho oo la Qabto, waxaana hadda socda xiisad arrintaas ku lug leh.

Dhanka kale, Kay waxaa la Weydiiyay sida uu Saameyn ugu yeelan karo Doorashada la filayo inay Somalia ka dhacaan sannadka soo socda Mooshinka ay wadaan Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka, kaasoo la doonayo in xilka looga qaado Madaxweynaha Soomaaliya, wuxuuna ku jawaabay.

“Runtii dareenka siyaasadeed ee Hadda Taagan waa mid la Xiriira Mooshinka ay wadaan Xildhibaanno Baarlamaanka Somalia ka tirsan ee miiska lasoo dhigay. Sidoo kale QM si dhab ah ayay u aqoonsan tahay Xuquuqaadka baarlamaaanka Somalia uu u leeyahay inuu hay’adahooda kula xisaabtamaan. haddana waxaan dareen Xoog leh ka Qabnaa Carkinaan walba oo Siyaasadeed oo Timaadda inay dhaawcidi karo oo ay curyaamin karto hadafka la leeyahay oo ah inay doorasho ka dhacdo Somalia. Waxayna horay QM u sheegtay inaysan aqbali doonin xilli kordhin loo sameeyo Baarlamaanka iyo Dowladda Somalia hadda ka jirta Soomaaliya.”

Danjire Kay waxaa kaloo la Weydiiyay; Fikirka Dadka qaba inaysan Xilliga Dalka ka dhici karin Doorasho xor ah, Wuxuuna ku Jawaabay. “Taasi waa Sax oo ma dhici karto Xilligan doorasho Qof iyo Cod ah.”

Wakiilka QM ee Somalia Waxaa kaloo Wax laga Weydiiyay Dagaallada ka Dhanka ah Al-shabaab, Wuxuuna ku jawaabay. “Bilhii lasoo dhaafay Waxaa laga Qabsaday Al-shabaab Magaalooyin Muhiim ah oo ku taalla Gobollada Koonfureed ee Somalia; Kuwaasoo muhiim u ahaa Al-shabaab.”

Ugu dambeyn, Danjire Nicholas Kay ayaa waxaa la Weydiiyay in AMSIOM ay ka adkaan karto Al-shabaab, wuxuuna ku jawaabay. “Ciidamada AMSIOM iyo kuwa Somalia shaqo wanaagsan ayay hayaan, markaad eegto Juquraafi ahaanna dhul ballaaran ayay Al-shabaab ka qabsadeen.”

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya