4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 1 , 2015
Gudoonka Baarlamanka Somalia oo loo gudbiyay Mooshin lagu difaacayo Madaxweynaha Somalia


Talaado, September 01, 2015 (HOL) — Mudanayaal ka Tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Gudbiyay Mooshin looga soo Hor-jeedo Mooshinkii Xildhibaanno Baarlamaanka ka tirsan ay ka gudbiyeen Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh 12-kii Bishii Ogoosto ee la soo dhaafay.

Mooshinkan ayaa Waxaa Saxiixay 125 xildhibaan, kuwaasoo la sheegay inay Taageersan yihiin Madaxweynaha Soomaaliya, ayna kasoo horjeedaan eedeymaha ay xildhibaannadii ka gudbiyay Mooshinka u soo jeediyeen Xasan Sheekh.

Guddoonka Baarlamaanka Somalia ayaa gacanta loo geliyay mooshinkan, iyadoo xubnaha gudbiyay Mooshinka ay ku doodayaan inaysan Sharci ahayn dacwooyinka lagu eedeeyay Madaxweynaha Somalia.

Xildhibaan C/laahi Cumar Abshiroow oo Saxaafadda u Akhriyay Mooshinka ay gudbiyeen ayaa sheegay in Mooshinkii hore uusan ahayn mid sharci ah, sidoo kalena uu yahay mid lagu doonayo in lagu curyaaminaayo howlaha adag ee Baarlamaanka hor-yaalla.

“Guddoomiye, annagoo ah xildhibananada Baarlamaanka Somaliyeed oo Magacyadooda iyo saxiixooda hoos ku cad xusan yihiin, Waxaan diiddan-nahay Mooshinka aan sharciga Waafaqsanayn ee ay wadaan Xildhibaanno ka Tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, kaasoo xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka ay xuseen in laga been abuurtay saxiixyadooda,” ayuu yiri Xildhibaan Abshiroow.

Dhanka kale, Xildhibaan Abshiroow wuxuu sheegay Xildhibaannada ku Qoran Mooshinka laga gudbiyay Madaxweyne Xasan Qaarkood inay saxaafada ka sheegeen inay ka baxeen mooshinkaas, Halka Xildhibaanno Magacyadooda lagu  xusay mooshinka qaarkoodna ay dhinteen.

Ugu dambeyn, Waxaa Muuqata in Mooshinkan lagu Difaacaayo Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud uu yahay mid lasoo abaabulay si loogu jabiyo Mooshinkii horay looga Gudbiyay Madaxweynaha Somalia.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya