4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 1 , 2015
Mareykanka oo Walaac ka Muujiyay Booqasho uu Madaxweyne Al-bashiir ku Tagayo Shiinaha


Talaado, September 01, 2015 (HOL) — Mareykanka ayaa Walaac ka Muujisay Safar lagu wado inuu dhawaan ku tago Madaxweynaha dalka Suudaan, Cumar Xasan Al-Bashiir dalka Shiinaha, Xilli Maxkamadda ICC ay horay u dalbatay in la soo xiro Cumar Al-bashiir oo ay ku eedeysay dabiyo dhan ka ah Xuquuqda Aadanaha.

Wasaarada Arrimaha Dibadda Suudaan ayaa sheegtay in Madaxweyne Cumar Al-Bashiir u Safri doono Shiinaha, si uu ula kulmo Dhiggiisa Waddankaas, Xi Jinping, isla markaana uu ka qaybgeli doono degga markii looga guuleystay Jabaan Dagaalkii labaad ee Adduunka oo Beijing ka dhacaysa 03-da bishan September.

Cumar Al-Bashiir ayaa booqday Shiinaha Sannadkii 2011-kii, iyadoo Dowladda Shiinaha ay daneeyso Saliidda ay soo saarto Suudana, loona dhoofiyo dalkaas.

Sidoo kale, Afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka, Mark Toner oo Qaar ka mid ah Warfidiyeenka kula hadlay magaalada Washington ayaa sheegay in Mareykanka ay rumeysan yihiin in Madaxweyne Al-Bashiir aan lasoo dhaweyn safarradiisa illaa la horkeeno Cadaaladda.

“Waxaa Al-bashiir soo eedeysay sida aad Og-tihiin Maxkamadda Dambiyada ICC, Wuxuu galay dambiyo ka dhan ah Xuquuqda Aadanaha iyo xasuuq uu Gobolka Darfuur ee dalkiisa ka geystay,” ayuu yiri Mark Toner.

Isagoo sii hadlaya ayuu yiri. “Ruqsadda lagu soo Xirayo wali way taagan tahay… Anagana waxaa si xoogan u taageeraynaa dadaalka Maxkamadda Dambiyada Dagaalka ICC ee lagula Xisaabtamayo dhammaan kuwa ka mas’uulka ah ficilladaas, waxaana kasoo Hor-jeednaa fududeynta ama taageerida Safarka Dadka Dambiyada ka yaallaan Maxkamadda ICC.”

Maxkamadda ICC ayaa Madaxweynaha Suudaan kusoo oogtay dambiyo dagaal oo ka dhan ah Xuquuqda Aadanaha Sannadkii 2009-kii, isagoo lagu eedeeyay in uu Xasuuq ka Geystay Gobolka Daarfuur.

Al-Bashiir ayaa tan iyo markii loo jaray ruqsadda lagu soo Xirayo isagoo wadamo badan u safray tan iyo markii xukunka laga soo saaray, iyadoo in lasoo xiro aan weli lagu guuleysa; Inkastoo Bishii Junue ee Sannadkan ay ahayd markii uu Tagay Koofur Afrika Markaasoo lagu Amray in uusan ka bixin dalkaas.

Ugu dambeyn, Cumar Al-bashiir ayaa si dhaqso badan kaga baxay Waddankaas, mana jirin wax is-hortaag ah oo ay xukuumada Koonfur Afrika ku sameysay inuu ka baxo Dalkaas oo uu kaga Qayb-galayay Shir Madaxeedkii Ururka Midowga Afrika.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya