4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 1 , 2015
FAAHFAAHIN: Weerarkii Al-shabaab ay saakay ku qaaday Saldhigga AMISOM ee Jannaale


Talaado, September 01, 2015 (HOL) — Xoogag Taabacsan Xarakada Al-shabaab ayaa ku qaaday weerar Saakay Aroortii Saldhig ay ciidamada AMISOM ee ka socda Uganda ay ku lahaayeen deegaanka Jannaale ee Gobolka Shabeellada Hoose.

Goob-joogayaal ku sugan Deegaanka Jannaale ayaa Warbaahinta u sheegay in Weerarkaas lagu dilay daraasiin ciidammo ah, iyadoo Afhayeenka Al-shabaab uu sheegay inay ku dileen weerarka 50-ka tirsan Askarta AMISOM.

Deegaanka Jannaale ee Gobolka Shabeellada Hoose oo 90-km Koonfur ka xigta Magaalada Muqdisho ayay Al-shabaab sheegtay inay gabi ahaantii la wareegeen, inkastoo AMISOM ay beenisay in saldhigga laga Qabsaday.

“Hadda Saldhigga Jannaale ee AMISOM Waxaa Gacanta ku haya Al-shabaab,“ ayuu yiri Afhayeenka Howlgallada ee AMISOM, Sh. C/casiis Abuu-Muscab oo la hadlay qaybo ka mid ah warbaahinta gudaha iyo dibadda.

Sidoo kale, Afhayeenka howlgallada ee Al-shbaaab ayaa sheegay in weerarkan uu ahaa mid ay ugu aar-gudayeen dadkii shacabka ahaa ee AMISOM ay July ku laysay degmada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellada Hoose.

“Weerarkan ujeeddadiisu waxay ahayd inaan ugu aar-gudnno Shacabkii degmada Marka ay ku Xasuuqeen AMISOM, gaar ahaan kuwa ka socda Dalka Uganda, Waxaana Dadkaas ku jiray dad isku qoys ahaa oo afar wiil iyo aabahooda ah, kuwaasoo ku sugnaa Xaflad Aroos. Iyadoo AMISOM ay arooskaas u bedeshay Murugo,” ayuu yiri Sheekh Abuu-Muscab.

Ma jirto tiro sugan oo laga ogyahay dhimashada iyo dhaawaca ka dhashay weerarkii ay ku qaaday saakay Al-shabaab saldhigga ay AMISOM ku leedahay deegaanka Jannaale oo ka tirsan Gobolka Shabeellada Hoose.

Dhanka kale, AMISOM ayaa beenisay sheegashada Xarakada Al-shabaab ee ah inay saaka la Wareegeen Saldhigga ay Ciidammadooda Nabad-ilaalinta ahi ku leeyihiin Jannaale oo ka tirsan Gobolka Shabeellada Hoose.

“AMISOM waxay xaqiijinaysaa in saldhiggooda Jannaale ay iyagu weli gacanta ku hayaan. Wararka sheegaya in saldhigga la qabsaday oo hub laga qaatayna ay yihiin kuwo been ah,” ayaa lagu qoray barta Twitter-ka ay ku leedahay AMISOM.

Balse, Cap. Bilow Iidow oo ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda ee jooga Jannaale ayaa warbaahinta u sheegay in saldhigga ay gacanta ku dhigeen Al-shabaab, kaddib markii ay weerarro ismiidaamin iyo kuwo toos ah ku qaaday saakay aroortii hore.

“Ma jiraan Ciidammo Xoojin ah oo weli saldhigga gaaray,” ayuu hadalkiisa ku daray Cap. Bilow Iidow, iyadoo aysan jirin warar intaas ka badan oo ay dowladda Federaalka Somalia.

Dhanka kale, Goob-jooge lagu magacaabo, Axmed Colow oo ku sugan Deegaanka Jannaale oo la hadlay saxaafadda ayaa isana sheegay in markii salaadda subax la tukaday ay maqleen qarax weyn, kaddibna ay billaabatay rasaas la is-weydaarsanayo.

“Saakay aroortii ayay Al-shabaab soo Weerartay Saldhigga Jannaale ee AMISOM, Gudaha ayayna u galeen, rasaas culus ayaana ka dhacaysay muddo saacado ah,” ayuu hadalkiisa ku daray Axmed Colow oo la hadlay Reuters.

Ugu dambeyn, Al-shabaab ayaa billowday sannadkan inay weerarro gaadmo ah ku qaaddo saldhigyada AMISOM ay ku leedahay Gobollada dalka, gaar ahaan Gobolka Shabeellada Hoose, iyagoo bilk a hor weeraray saldhigga AMISOM ay ku leedahay deegaanka Leego oo ay ku dileen in ka badan 60-askari oo u dhashay Burundi.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya