4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 1 , 2015
Taliyaha Booliiska Minneapolis iyo St Paul oo Amaanay Ciidamda Booliska Somalia (SAWIRRO)


Talaado, September 01, 2015 (HOL) — Taliyaha Ciidamada Booliiska - Metro Transit ee Magaalooyinka Mataanaha ah ee Minneapolis iyo St. Paul ee Gobolka Minnesota, John Harrington ayaa ka warbixiyay safar uu dhawaan ku tagay dalka Soomaaliya, gaar ahaan magaaladda caasimada ah ee Muqdisho, wuxuuna sheegay in Somalia ay heysato ciidamo dhiiran oo geesiyaal ah.

Harrigton ayaa sheegay in dalka Soomaaliya uu leeyahay ciidan ku filan haddii ay helaan tababar, dhisme, dhaqalae  iyo qalabka casriga ah oo la mid ah kan ay isticmaalaan hey’adaha ammaanka ee caalamka, wuxuuna sheegay inuu la dhacay dhiiranaanta ciidamada booliska Soomaaliya.

“Muqdisho waa magaalo aad u qurxoon, leh xeeb iyo bad qurux badan, waxay yeelan kartaa faras magaalo aad u weyn oo cajiib ah, waxayna marin u noqon kartaa dalxiiseyaal badan haddii ay hesho dib u dhis iyo dib u habeyn, fikirii aan ka heystana wax badan ayaa iska badalay, waayo waxaa ka socota shaqo baaxad weyn oo ku saabsan dhinaca ammaanka taas oo ay ku howlan yihiin ciidanka booliska Soomaaliya” ayuu yiri Taliye Harrington oo ka hadlayay xaflad lagu guddoonsiinayay abaal marin, taas oo ay soo qaban-qaabiyeen ururka ciidamada Booliska Soomaaliyeed ee Amerikanka ah.

“Marnaba ma dareemin in nolosheydu ay halis ku jirto intii aan joogay Muqdisho” ayuu yiri Harrington, isagaoo sheegay inay dhinac kasta ka taageeri doonaan ciidamada booliska dalka Soomaaliya.

“Waxaan aad u ammaanayaa saraakiisha Soomaalida ah ee gacanta ku haya tababarka iyo xanaanada ciidankooda, gaar ahaan  taliyahooda Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, iyo sidoo kale Officer Waxiid oo inaga naga tirsan, qeyb weyna ka qaatay safarkeyga Soomaaliya” ayuu si raaciyay.

Taliye Harrington ayaa sheegay in Muqdisho iyo Minnesota ay is dhaafsan doonaan ciidamo boolis ah, kuwaas oo kala faa’iideysan doona aqoonta ciida iyo khibradaha kala duwan.

“Waxaan ku farxay markii aan arkay qaabka ay baaritaanada u sameynayaan iyo sida ay howl karka u yihiin, waxaana ii muuqatay in wixii hada ka dambeeya ay la wareegi doonaan dhammaan baaritaanada  dambiyada iyo qaraxyada, taasina waa horumar xoog leh oo lagu farxo”

Harrington ayaa sheegay inuu mar kale ku laabanayo Soomaaliya, si uu uga caawiyo dhinacyada tababarka iyo qalabka casriga ah ee tignoojiyadda oo boolisku isticmaalo. “Waxaan u baahanahay inaan caawino Soomaaliya, si ay uga soo kabsadaan bur-burkii ciidan ee gaaray”

Ibraahim Faarax oo ku hadlayay magaca ururka SAPA oo ay ku mideysan yihiin ciidamada Soomaalida ah ayaa taliyaha uga mahadceliyay dadaalkiisa iyo taageerada Soomaaliya.

Ugu dambeyntii, Jabriil Afyare oo ku hadlay magaca jaaliyadda ayaa isna wuxuu taliyaha guddoonsiiyay shahaado sharaf.

Faarax Blue, Hiiraan Online
[email protected]
Minneapolis, Minnesota