4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 1 , 2015
Iskuullada Kenya oo maanta Furmay Xilli muran Xooggan uu u dhaxeeyo Macalimiinta iyo Dowladda


Talaado, September 01, 2015 (HOL) — Guud ahaan dalka Kenya ayaa maanta waxaa dib uga furmay xilli waxbarashadeedaka dugsiyeedka saddexaad ee Sannadka 2015-ka, iyadoo ardayda iyo waalidiintoodba ay walaac xoogan ka muujiyeen muranka u dhaxeeyo dowlada iyo Macalimiinta ee ku aadan Mushaar kordhinta Barayaasha.

Murankan oo ah mid muda dheer soo jiitamaayay, ayaa wuxuu ku saabsan yahay Mushaar kordhin ay Macalimiintu dalbadeen, halka dowlada Kenyana ay diidan tahay dalabka macallimiinta.

Xarumaha Waxbarashada Kenya iyo kuwa sida gaarka ah loo leeyahay ayaa dhamaantood dib albaabada loogu furo, waxaana muuqato in muranka u dhaxeeyo barayaasha & dowlada uu hada gaaray heerkii ugu xumaa maadaama Xukuumadda Kenya ay sheegtay in aysan bixinayn lacagaha ay dalbadeen macallimiinta oo iyagana ku hanjabay in aynan sii wadi doonin waxbarashada.

Qoraalka lagu sheegay arrintaas, ayaa sidoo kale dowladu waxey tilmaamtay in aynan haynin oo miisaaniyada sanadka aynan ku jirin mushaarka badan ee macalimiintu ay dalbanayaan.

Sidoo kale, Xalay saqdii dhexe ayey ku ekeyd wakhtigii ay ku hanjabeen barayaasha Kenya in ay soo saari doonana go’aankooda ku aadan Waxbarashada, iyagoona horay ugu hanjabay hadii aanan loo fulinin dalabkooda in ay sameyn doonaan mudaharaadyo sidoo kalana aynan tagi doonin Iskuulada.

Wasiirka Wasaarada Maaliyada Kenya, Henry Rotich ayaa kasoo horjeestay dalabka Macalimiinta isagoona sheegay in Wasaaradda Maaliyada Kenya aynan haynin Lacagaha ay Macalimiintu doonayaan.

Xog-hayaha guud ee Ururka Midowga Qaranka ee Macalimiinta Kenya “Kenya National Union of Teachers” (KNUT), - Wilson Sossion, ayaa shalay kulan dag-dag ah iskugu yeeray Golaha fulinta  Ururkaas, waxeyna oga hadleen shirkoodii talaabada xigto ee ay qaadayaan madaamada dowladu ay diiday dalabkooda.

Macallimiinta Kenya, ayaa waxey doonayaan in loo kordhiyo Mushaarkooda boqolkiiba 50% ilaa 60%, taasoo noqoneyso in 17 Bilyan bishiiba ay dowladu siiso Barayaasha.

Dhanka kale, Guddiga Adeega Macalimiinta Kenya u qaabilsan arrimaha Barayaasha TCS (Teachers Service Commission), ayaa iyaguna ka soo horjeestay go’aanka Macallimiinta;  waxeyna ku goodiyeen iney tilaabo cad ka qaadi doonaan macalinkii aan dib ugu noqonin shaqadiisa.

Ugu dambeyn, Maxkamada Sare ee Kenya ayaa dhawaan amar ku bixisay in Macalimiinta loo fuliyo dalabkooda, lana siiyo mushaarkaadka ay dalbanayaan.

Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online
[email protected] | [email protected]
Nairobi – Kenya