4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 1 , 2015
MINNESOTA: Boqolaal xujey ah oo loo qaybiyay Baasabooradooda diyaar-garowna ku jira (SAWIRRO)


Talaado, September 01, 2015 (HOL) — Boqollaal Xujey ah ayaa Sannadkan ka baxaya dalka Maraykanka; iyadoo la dareemayo diyaar-garow xoogan, illaa 200 oo xujey ah ayaa isugu yimid Masaajidka Abuubakar Asadiiq ee Minneapolis; halkaasoo loogu Qaybiyay Fiisooyinkooda.

Sheekh C/risaaqa Xaashi oo ka mid ah Culummada oo ka hadlay madasha ayaa sheegay in wax lagu farxo ay tahay in tiro badan oo Soomaaliyeed ay maanta gacantooda ku dhigay baasabooradooda; isla markaana ay aadayaan Xajka si ay u soo gutaan waajibaadka weyn ee ka midka ah Shanta Tiir ee Islaamku ku dhisan yahay, wuxuuna warka intaas ku daray in Xajka ay waajib ku tahay qof walba oo awoodi kara; isgaoo ugu baaqay ummadda Soomaaliyeed inay ka faa'iideystaan fursadaha ay u heli karaan inay soo xajiyaan.

Sidoo kale, Sheekh C/raxmaan Sh. Cumar oo ah Imaamka Misaajidka Abuukar Asadiiq ayaa u mahad-caliyey Maamulka iyo howl-wadeenada Minahaj oo isku howlay inay caawiyaan Xujeyda; isla markana ay ku daraan culumo horkacaysa si loo saxo sharuudaha Xujeyda laga doonayo, Wuxuuna intaas ku daray in xajka markiisa hore loo lugeyn jiray; balse hadda diyaarad loo raacayo sidaasi darteed waxaa jira dad badan oo Soomaaliyeed oo awoodi karaan in ay soo xajiyaan balse ka gaabiyey wuxuuna ugu baaqay dadka awoodi kara in ay gaaraan xajka soona gutaan waajibka lagu leeyahay.

C/llaahi Xaaji Warsame oo ka mid ah howl wadeenada Minahajj ayaa sheegay in 200 oo Xujey ah ay u dhameeyeen howlahooda isla markaana ay ka ambabixi doonaan Garooka diyaaradaha ee Minneapolis, wuxuuna ku nuux nuuxsaday in shuruudaha Xajka loo baahan yahay in la barto si Xujeyda ay Xajkooda loo aqbalayo wuxuna warka intaasi ku daray in ay diyaariyeen Minahajj Culumo Soomaaliyeed oo horkici doonto Xujeyda.

Ugu dambeyn, Tiro ka badan saddex milyan oo Muslimiin ah, ayaa sanadkan la fillayaa inay Xajka taggaan, iyagoo ka imaanaya Daafaha aduunka Xajka waa rugni ka mid ah shanta tiir ee Islaamka.

Maxamed Muuse Nuur (Deeq-darajo)
[email protected]
Minneapolis, Minnesota USA