4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 1 , 2015
WARBIXIN: Sababaha dib u dhaca Shirka Maamulka Sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe


Talaado, September 01, 2015 (HOL) — Maanta waa 01-da September, waa Waqtigii loo madlanaa inuu furmo shirka dhismaha maamulka labada gobol Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe, hasse ahaatee war ka soo baxay wasaarrada arrimaha gudaha iyo federaalka ayaa lagu sheegay in waqti aan la cayimin dib loo dhigay shirka.

Dib u dhaca ku yimid shirka ayaa marka hoose loo eego, waxaa sabab u ah qodobo dhowr ah oo is-biirsaday, kuwaa oo saameyn ku yeeshay siddii loo dhaqaajin lahaa geedi socodka qorshaha bilowga furitaanka shirka, madaama ugu horeynba lagu hishiin waayay magacaabista guddiga farsamada.

Guddiga farsamada oo loo baahnaa in la magacabo 15-ka bishii Agoosto, ayay beelluhu ku hishiin waayeen siddii loo qeybsan lahaa, madaama beellaha qaar ku doodeen in ay iyagu leeyihii saamiga ugu ballaaran, waxaana ay doodda  ugu weyn ka timid in guddiga farsamada lagu qabsado hab qabiil iyo in deegaan lagu saleeyo.

Siddoo kale, dib u dhaca shirka waxaa qayb ka ah mooshinka qaar ka mid ah xubnaha baarlamaanka ka keeneen madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud, taa oo sababtay in gollayaasha dowladda oo dhan mashquul ku noqdaan mooshinka iyo siddii loo maareyn lahaa.

Xildhibaannada, siyaasiyiinta, iyo waxgaradka labada gobol ka soo jeedda ee qeybta ka ah qorshaha dhismaha maamulka labada gobol, ayaa laftirkooda isku maan-dhaafay sidda wax loo qeybsannayo, madaama beelaha qaar sheegeen in ay degaan labada gobol, siddaa daraadeed iyagu yeeshaan tirada ugu badan guddiga farsamada.

Halka beellaha qaarna shaki ka muujiyeen xaqa saamiga ay ku leeyihiin wax qeybsiga oo ay u arkeen beello gaar ah la doonayo sadburinayo.

Dowladda federaalka ayaa laftirkeeda lagu eedeynayaa in aysan juhdi badan gallin siddii loo maareyn lahaa caqabadaha ka hor yimid, si lamid ah ahmiyadii ay dowladdu siisay dhismaha maamulka  gobollada dhexe, oo ay mas'uuliyiinta ugu sareysa dowladda waqti badan galiyeen.

Qorshaha dowladda ee dhismaha labada gobol Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe, waxaa bar bar socda, diidmo ka imaneysa siyaasiyiin iyo qurbo-joog ka soo jeedda gobolka Hiiraan, oo wali ku doodaya in Hiiraan mudan yahay in labo gobol loo aqoosado siddaana bulshada ku dhaqan u sameystaan maamul iyaga u gaar ah.

Maalintii shalay waxaa magaalada Beledweyne soo gaaray xubno wafdi ah oo uu horkacayay guddoomiyaha qurba-joogta Hiiraan Towane Sabriye Fiidse, oo hadal uu jeediyay ku sheegay in bulshada ku dhaqan gobolka Hiiraan looga baahan yahay in ay ka tashadaan Aayahooda iyo mustaqbalkooda siyaasadeed.

Marka leysku geeyo, khilaafka ka abuurmay magacaabista guddiga farsamada, qancin la'aanta beellaha wadda dega labada gobol, mooshinka laga keenay madaxweyne Xassan Sheekh Max'uud,  caga-jiidka dowladda ee ku aadan siddii loo soo afjari lahaa khilaafka ka taagan saami-qeysiga, iyo dooda siyaasiyiinta gobolka Hiiraan ay ka qabaan isku darka labada gobol, waxaaa la oran karaa dhamaantood waxaa ay qeyb ka yihiin sababta dib u dhaca shirka, iyadoo marka arrimahan oo dhan lagu hishiiyo wali dhiman yihiin qodobo kale oo ka sii miisan culus, sidda halka lagu qabanayo shirka, xarunta maamul gobolleedka, iyo gobolka uu ka imanaya madaxweynaha.

C/raxmaan Diini, HIiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya