4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 1 , 2015
Al-shabaab oo la Wareegtay Saldhig ay ciidamada AMISOM ku lahaayeen Deegaanka Jannaale


Talaado, September 01, 2015 (HOL) — Xoogag taabacsan Al-shabaab ayaa la wareegay Saakay oo Talaado ah Saldhig ay Ciidamada AMISOM ku lahaayeen deegaanka Jannaale ee Gobolka Shabeellada Hoose, kaddib weerar culus oo ay ku Qaadeen.

Weerarka ayaa ku billowday Gaari Waxyaabaha Qarxa oo laga soo buuxiyay oo lagu jabiyay illinka hore ee saldhigga oo ku yaalla buuundada laga galo deegaanka Jannaale. Iyagoo markaas kaddib gudaha u galay saldhigga.

Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Shabeellaha Hoose, C/fataax C/llaahi Xaaji oo la hadlya warbaahinta ayaa sheegay in Al-shabaab ay la Wareegeen Saldhigga Ciidamada AMISOM ee Jannaale, isagoo xusay in dagaal culus uu ka dhacay.

“Saldhigga AMISOM dagaal xun ayaa ka dhacay, warbixinada u dambeeyay ee aan heleyno waxay sheegayaa in Al-shabaab ay gudaha u galeen saldhigga,” ayuu yiri C/fataax C/llaahi oo intaas ku daray in ciidamo gurmad ah ku wajahan yihiin saldhigga.

Waxay kaloo wararku intaas ku darayaan inay dhimasho iyo dhaawac xooggan jiraan, balse aan la ogeyn khasaaraha inta uu le’eg yahay, iyadoo Isgaarsiintii deegaankaas la sheegay inay Al-shabaab hawada ka saartay.

Xarakada Al-shabaab ayaa djankeeda sheegtay in dagaalka uu ku billowday weerar is-miidaamin ah ayna la wareegeen deegaanka Janaale oo dhan, isla markaana ay ciidamada AMISOM gaarsiiyeen khasaare xooggan.

Weerarka lagu qaaday saldhiggan oo ay ku sugnaayeen ciidammo ka socda dalka Uganda ayaa la mid ahaa kii ka dhacay saldhigga Leego ee AMISOM, halkaasoo lagu dilay in ka badan 60-askari oo ka tirsan ciidamada AMISOM eek a soccda dalka Burundi.

Ugu dambeyn, Weerarka ay Al-shabaab saaka ku qabsatay saldhigga AMISOM ee deegaanka Jannaale ayaa imaanaya xilli ay hal sano kasoo wareegtay dilkii hoggaamiyihii hore ee Al-shabaab, Axmed Cabdi Godane.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya