10/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 15, 2015
Xiisad Degmada Beledweyne ka taagan kaddib Dil shalay loo Geystay Sarkaal ka Tirsanaa QM


Axad, November 15, 2015 (HOL) — Inta badan waxaa xiran ganacsiga guud Beledweyne, sidoo kalena waxaa gaabis ku jira isku socodka gadiidka dadweynaha, kaddib xiisad ka dhalatay dil maalintii shalay loo geystay madaxii hay'adda miino baarista QM ee UNMAS Mahdi Xusseen Shiiqaal.

Maleeshiyaad ay isku heyb yihiin sarkaalka la dilay ayaa subaxnimadii hore ee saakay lagu arkay qeybo ka mid ah degmada, iyaga oo dalbanaya in loo soo gacan-galiyo shaqsiyaadkii ka danbeeyay dilka  oo ay ku eedeynayaan in ay ka tirsan yihiin ciidammada dowladda.

Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif oo kaashanaya odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan ayaa ku howlan siddii loo dhameyn lahaa xiisad taagan, hase ahaatee eheleda marxuumka ayaa ku doodaya in dariiqa kaliya ee lagu soo afjari karo is-mari-waaga taagan uu yahay in lagu soo wareejiyo shaqsiyaadkii falka dilka ah geystay.

Ilaa iyo hadda ma jirto fara-galin ciidamada midowgga Africa AMISOM ay ku sameeyeen qalalaasha ka jira magaalada Baladweyne marka laga soo tago ciidanka Jabuuti oo sugaya amniga xarunta maamulka gobolka.

Ugu dambeyn, lama oga halka ay saldhigan doonto xiisada magaalada Baladweyne ka jirta ee saameyn ku yeesheen nolashii caadiga aheyd ee dadweynaha.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya