4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 1 , 2015
Dhakhtar sheegay in dhowr Xaas oo la Guursado ay Ragga ku keeni Karto Halis Caafimaad


Jimco, May 01, 2015 (HOL) — Inaad guursato in ka badan hal xaas ayaa la shaaciyay in aysan u wanaagsanayn caafimaadka, sida ay ogaadeen seynisyahanada. Ragga guursada in ka badan hal xaas ayuu afar jeer ku kordhaa xanuunnada ku dhaca wadnaha sida laga soo xigtay baaris caafimaad.

Guursiga xaasaska badan ayaa looga dhaqmaa waddamo badan oo ku yaalla Afrika, Bariga Dhexe, Bartamaha iyo Koonfur-bari Asia, iyadoo xaas walba ay daggan tahay guri u gooni ah.

Baaristan ayaa waxaa sameeyay, Dr. Amin Daoulah oo ka tirsan isbitaalka Boqor Feysal oo ku yaalla magaalada Jiddah ee dalka Sacduudiga, halkaasoo ay sharci ka tahay in la guursan karo dhowr haween ah.

Dhakhtarka ayaa baaris ku sameeyay 687-rag ah oo guursaday in ka badan hal xaas, taasoo uu ku ogaaday in kuwa qaba in ka badan hal xaas ay khatar ugu jiraan cudurrada wadnaha ku dhaca.

Ugu dambeyn, dhakhtarka ayaa xusay in dhibaatadan ay ka timaado ragga oo doonaya sidii ay ugu filnaan lahaayeen xaaska uu qabo dhaqaale ahaan iyo dareen ahaan; iyadoo walaaca ay qabaan uu u keeno wadne xanuun.

XIGASHO: BBC SOMALI