4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 1 , 2015
GAAS: Koonfurta Gobolka Mudug oo keliya ayaa Qayb ka Noqonaysa Maamulka Gobollada Dhexe


Jimco, May 01, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in maamulka gobollada dhexe loo dhisayo aysan ku jirin Waqooyi Mudug, Bariga Mudug iyo Galbeed Mudug, laakiin loo dhisayo Koonfurta Gaalkacyo, isagoo sidoo kale ka hadlay dhismaha Ciidamo Qaran oo ay Soomaaliya loo dhiso.

C/weli Gaas ayaa sidoo kale hadal uu ka jeediyay xaflad casho ahayd oo xalay lagu qabtay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland ku sheegay in ciidammo shisheeye aysan Somalia gaarsiin karin Qarannimo, balse dowladnimada Somalia ay ku xiran tahay ciidamo xooggan oo ay yeelato.

”Marti-gelinta wajiga labaad ee shirka wada-tashiga ah sharaf ayay noo tahay, shirkaanna waa mid horseedaya midnimada iyo qarannimada Somalia, waxaana rajeynayaa inay kasoo baxaan natiijooyin miro-dhal ah,” ayuu yiri C/weli Gaas.

Sidoo kale, Gaas ayaa sheegay in waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee shikaan looga hadlay inay ka mid yihiin dhismaha ciidammo Qaran oo Soomaaliya ay yeelato, kuwaasoo hanan kara amniga dalka oo dhan; Al-shabaabna sifeyn kara.

“Waxaa la ogaaday in Soomaaliya haddii la rabo inay Qaran ahaato, haddii la rabo sharaftii ay lahaan jirtay inay soo ceshato inay muhiim tahay in la helo ciidammo Soomaaliyeed oo cadow dibadeed iyo mid gudaba ka difaaca dalka,” ayuu Gaas ku yiri khudbaddiisa.

Isagoo sii hadlaya ayuu intaas ku daray. ”Nasiib-darro weeye inaan maanta iraahno waxaa noosoo gurmaday dalalka Sierra Leone iyo Burundi oo kooxda Al-shabaab ka difaacaya dadka Soomaaliyeed dalkana ka suulinaya; marka aniga ilama ahan in illaa la helo ciidammo Soomaaliyeed in Qarannimo aanu heli karno.”

Madaxweynaha Puntland ayaa mar uu ka hadlayey dhismaha maamullada gobollada dalka wuxuu sheegay inay muhiim tahay in la dar-dar-geliyo in la dhiso maamullada gobollada dalka si loo gaadho horumar ballaaran; balse wuxuu ka hadlay siyaasaddiisa ku aaddan maamul u samaynta gobollada dhexe ee Somalia.

“Haddaan Puntland nahay fikirka aan ka qabno maamul u samaynta Gobollada Dhexe ee Somalia waa in Koonfurta Mudug oo keliya ay maamulkaas qayb ka qaadanayso, balse waxaan lenenahay Bariga Mudug, Galbeedka Mudug iyo Woqooyiga Mudug waxay ka tirsan yihiin Puntland,” ayuu hadalkiisa ku daray madaxweynaha Puntland.

Ugu dambeyn, hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli dowladda Soomaaliya ay ku gudo-jirto dhismaha maamullada gobollada Galguduud iyo Mudug oo shirka lagu dhisayo uu ka socdo magaalada Cadaado.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya