4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 1 , 2015
SAWIRRO: Boqolaal Arday ah oo illaa xalay hor-taagnaa safaaradda Mareykanka ee Bujumbura


Jimco, May 01, 2015 (HOL) — Boqollaal arday oo reer Burundi ah ayaa xalay oo dhan hor-tubnaa safaaradda Maraykanka ee Bujumbura; kaddib markii Jaamacadooda la xiray si looga hor-tago mudaaharaadyo dowladda looga horjeedo oo dalkaas ka socday dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay.

Ardaydaan oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in sababta ay safaaradda u hor-fariisteen ay tahay inaysan ammaan ku helayn caasimadda dalka Burundi ee Bujumbura. iyadoo sidoo kale la xiray baraha ay bulshadu ku xiriirto ayay dowladda Burundi xannibaad kusoo rogtay, waxaa kaloo la xiray idaacado, iyadoo la mamnuucay in laga dhigo Bujumbura dibadbaxyo.

Shacabka dalkaas ayaa dibadbaxyo dhigayay tan iyo Axaddii hore, iyagoo kasoo horjeeda go'aanka madaxweynaha waddanka Burundi, Pierre Nkurunziza uu ku sheegay inuu isku soo sharraxayo mar sadexaad xilka madaxweynenimo ee dalkaas.

Xukuumadda Burundi ayaa Khamiistii shalay ahayd xirtay Jaamacadda; iyadoo sabab uga dhigay amni-darro laga baqdin qabo inay xarunta dalkaas ka dhacaan.

Maalintii Khamiista gellinkeedii hore ayaa boqollaal arday ah waxay isu-soo-bax ka qaban-qaabiyeen bartamaha Bujumbura; iyagoo ujeeddadoodu ahayd inay ka hortagaan inuu si rasmi ah madaxweynuhu ugu gudbiyo guddiga doorashada qorshihiisa uu dib ugu isugu sharraxayo.

“Safaaradda Mareykanka waxaan u aragnaa inay tahay meesha keliya ee aan ku badbaadi karno, waxaana weli ka baqaynaa ciidamada ammaanka,” ayuu yiri mid ka mid ah ardaydii illaa xalay joogay illinka safaarada dalka Mareykanka ee Bujumbura oo la hadlay BBC-da.

Ardayda illaa hadda hor-tuban safaaradda Mareykanka ee dalka Burundi ayaa lagu sheegay tiradoodu intay gaarayso 500, iyadoo saraakiisha safaaradda Maraykanka ee Burundi aysan weli wax jawaab ka bixin ardayda hor-tuban safaaraddooda.

Tom Malinowski oo ah dublamaasi sare oo Maraykan ah ayaa la kulmay Pierre Nkurunziza shalay oo Khamiis ahayd; isagoo sheegay kulanka kaddib inuu uga digay xaaladda Burundi oo meel khatar ah kusii socota.

Mudaaharaadyada ka dhacaya Bujumbura ayaa noqonaya kuwii ugu ballaarnaa ee ka dhaca dalkaas tan iyo dagaalkii sokeeye ee dalkaas oo lasoo gaba-gabeeyay sannadkii 2005-tii.

Ugu dambeyn , dagaalladii sokeeye ee Burundi ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 300,000 oo qof, waxayna dagaallada dalkaas u dhexeeyeen Tuutsiga oo dalkaas looga badan yahay iyo xoogag ka tirsan Hutuuga oo ah kan ugu badan Burundi.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya