4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 1 , 2015
Shir sanadeedkii Ururada Shaqaalaha Carabta ee oo Hogaan Cusub lagu Doortay (SAWIRRO)


Jimco, May 01, 2015 (HOL) — Shir-sannadeedkii Sannadkan 2015-ka ee Urur-weynaha shaqaalaha Cadrabta oo ka dhacay dalka Kuwait oo ay Soomaaliya ka qayb-gashay ayaa lagu dhoortay hoggaan cusub, iyadoo ay Somalia shirkan ku lahayd kaalin muhiim ah.

Waxaa sannadkan shirka Ururrada Shaqaalaha Carabta uga qayb-galay Soomaaliya wafdi uu hoggaaminayo wasiirka shaqada iyo shaqaalaha Somalia, C/weli Ibraahim Sh. Muudeey oo shalay dib ugu soo laabtay dalka, waxaana ka mid ahaa mas’uuliyiin ka socday ururrada XUSS, ITUSS, Rugta Ganacsiga Somalia.

“Kulankan waxaa kasoo qayb-galay mas’uuliyiin ka socday wadamada Carabta; gaar ahaan ururrada shaqaalaha, waxaase sannadkan ka maqnaa kulankan dalka Suuriya oo colaado ka jiraan,” ayuu yiri ku-simaha xoghayaha guud ee Xiriirka ururrada Shaqaalaha Soomaaliyeed ee XUSS, Maxamed Ibraahim.

Sidoo kale, Ibraahim ayaa intaas ku daray in shirka sanadkan diiradda lagu saaray arrimaha shaqada iyo Shaqaalaha waddamada Carabta oo xubno ka ah Urur-weynahan, waxaa kaloo lagu soo qaaday sidii loo Hagaajin lahaa Xuquuqda Shaqaalaha dalalka Carabta.

“Waddamada Carabta qaarkood kama jiraan ururro shaqaale, waxaana ka mid ah dalalka Sucuudiga, Isu-tagga Imaaraadka Carabta iyo Qatar, balse shirka waxaa lagu go’aamiyay in la dhowro Xuquuqaadka Shaqaalaha dalalka xubnaha ka ah ururkan oo dhan,” ayuu mar kale yiri Ibraahim.

Intii uu shirku socday waxay xubnihii Somalia matalayay oo uu hoggaaminayay Wasiirka shaqada iyo shaqaalaha Somalia ay kulammo kala gooni-gooni ah la qaateen mas’uuliyiin shirka kasoo qaybgalay oo dhan.

Maxamed Ibraahim oo la hadlay HOL ayaa sheegay in Somalia ay shirkan ka faa’iiday sidii looga caawin lahaa Horumarinta iyo Xirfadaha Shaqaalaha Dalka iyo in Ururka Shaqaalaha dalka Kuwait uu ka caawin doono Ururrada Shaqaalaha Soomaaliyeed ay uga caawin lahaa kobcinta iyo tababarrada Shaqaalaha.

Dhanka kale, intii uu shirku socday waxaa lagu doortay Xoghayaha Guud ee Urur-weynaha Shaqaalaha Carabta, iyadoo ay xilkan u tartameen xubno ka socday dalalka Masar, Kuwait, Aljeeriya iyo Baxreyn, inkastoo doorashada uu ku guuleystay, Faa’is Cali Al-mudiiri oo afarta sano ee soo socota haynaya xilka xoghayaha guud ee Ururka Shaqaalaha Carabta.

Ugu dambeyn, wafdigii Somalia uga qaybgalay shirka ururrada shaqaalaha Carabta ee ka dhacay dalka Kuwait ayaa Khamiistii shalay ahayd dib ugu soo laabtay xarunta Somalia ee Muqdisho.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya