4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 1 , 2015
Shir dib u heshiisiin ah oo Maanta ka furmay Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan [SAWIRRO]


Jimco, May 01, 2015 (HOL) — Waxaa maanta si rasmi ah uga furmay Xarunta Gobolka Hiiraan ee Baladweyne shir dib-u-hishiisiineed oo ay ka qeyb-gallayaan ergo ka kala socta dhamaan beellaha wadda dega gobolka Hiiraan, waxaana shirkaa si rasmi ah u furay ku-simaha guddoomiyaha gobolka Sheekh Xusseen Cismaan Cali.

Furitaanka shirka waxaa siddoo kale goob joog ka ahaa duqa Beledweyne Cumar Aadan Ibraahim [Baadiyoow] xildhibaanno, siyaasiyiin xilal kala duwan horay uga soo qabtay dowladihii dalka soo maray, aqoonyahanno waxgarad , iyo shaqsiyaad ka yimid dalka dibadiisa oo maalmihii ugu danbeeyayba ku sugnaa magaalada Beledweyne.

Ku-simaha guddoomiyaha gobolka Hiiraan Sheekh Xuseen Cismaan Cali ayaa khudbad uu ka jeediyay furitaanka shirka ku sheegay in ka maamul ahaan soo dhaweynayaan shirka dib-u-hishiisiinta ah ee maanta furmay beellaha wadda dega gobolka, isaga oo intaa ku darray in dowladda looga baahan yahay in ay ku taageerto shirka kaalinta uga aadan.

''Annaga ka maamul ahaan waan soo dhaweyneynaa in ay bulshada wada-hadasho, oo laga wadda shaqeeyo dib-u-hishiisiinta, dowladdana waxaan leenahay waa in ay qaadataa doorkeeda ku aadan shirka maanta halkan ka furmay ayuu yiri ku-simaha guddoomiyaha gobolka.

Guddoomiyaha guddiga qaban-qaabada shirka nabadoon Axmed C/dulle Jimcaalle oo ka hadllay kulanka ayaa sheegay in mudo dheerba lagu howlanaa qabsoomida shirka, marar badan oo horena ay jireen kulamo guud iyo kuwa gaar gaar ah oo ay lahaayeen beellaha kuwaa oo loogu gogol xaarayay shirweynaha maanta furmay.,

''Shirka maanta furmay waxaa ku dhan oo jooga inta badan beellihii deganaa gobolka, inta aan wali ka maqan, waxaan leenahay waa gogol aad wax ku leedihii ka soo qeyb-galla, ra'yigiina iyo talladiina ayaa loo baahan yahay, ma'aha shir qolo gooni ah ay qabtay waa shir reer Hiiraan oo dhan u dhaxeeya ayuu yiri'' nabadoon Axmed C/dulle Jimcaale.

Qaar ka mid ah ka qeyb-gallayaasha shirka oo halkaa hadallo kala duwan ka jeediyay ayaa dhamantood isku raacsanaa ka qeyb-galka shirka, iyo in beeluhu ka wadda hadllaan wixii khilaaf ah ee u dhaxeeya, madaama wada hadalku mar walba fure u yahay hormarka iyo nabad-galyada bulsho deegaan ku wadda nool.

Shirka ayaa wajigiisa hore la sheegay in uu yahay shir dib-u-hishiisiin ah oo ay ku wadda hadllayaan beellaha, iyadoo intaa kaddibna looga gudbi doono wadda-tashi iyo dood la xiriirta mustaqbalka siyaasadeed ee gobolka, madaama xiligan loo guurayo nidaamka is maamul gobolleedyada ama federaaliisam-ka.

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa ammaanka guud ee mashada shirku ka furmay si aad ah u ilaalinaya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya