4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 1 , 2015
Degmada Taleex ee Gobolka Sool oo laga billaabay Dadaallo Nabad lagu Raadinayo (SAWIRRO)


Jimco, May 01, 2015 (HOL) — Dadaallo lagu doonayo in lagu soo af-jaro colaad dhawaan laba beelood ku dhexmartay degmada Taleex ee gobolka Sool, iyadoo la sheegay inuu meel wanaagsan marayo dadaalkaas sida uu sheegay Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha Somaliland, Baashe Cali Jaamac.

Wasiirka oo ay weheliyaan mas’uuliyiin ka socda golayaasha deegaanka iyo ciidamada ayaa ka dhawaajiyay inay qorshaynayaan inay soo af-jaraan colaada soo noq-noqotay ee labada beelood ee walaalaha ah u dhexeysa.

Sidoo kale, qaar ka mid ah waxgaradka labada dhinac oo colaaduhu ay dhawaan ku dhex-mareen ayaa sheegay inay ka go’an tahay inay walaalahood kala xaajoodaan wixii dhacay.

“Dadkii dhintay way naga wada-dhinteen wixii dhaawac ahna dhibkoodu waa mid nawada taabanaya; waxaan diyaar u nahay inaan wixii dhacay kawada hadalno,” ayuu yiri, Saalax X. Cali Shire oo ka mid ah waxgaradka Taleex.

Hadalkan ayaa yimid xili ay kulan yeesheen mas’uuliyiinta Somaliland iyo beeshaas oo ay kaga wada-hadlayeen qaabkii loo amba-qaadi lahaa wada-hadal labada beelood u billaama.

Magaalada Taleex ayaa sannadahan colaad-daris la noqotay; iyadoo waqti bilo laga joogo go’aamo laga gaaray wixii labada beelood u dhexeeyey, balse dagaal nabadaas-jabiyay oo labada beelood dhex-maray ayaa sababay inay ciidamada Somaliland Taleex gaaraan.

Lama saadaalin karo waxay ku dambaynayso dadaallada laga wado Taleex; waxaase dad badani saadaalinayaan in haddii ciidan labada beelood oo la isku dhafaa ay tahay midda keliya ee lagu heli karo ammaan.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool