4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 1 , 2015
MADAXWEYNE XASAN: Maamullada jira waa inay ka Qayb-qaataan Dhismaha Ciidamada Qaran


Jimco, May 01, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay ka hadlayay munaasabad casho ahayd oo lagu qabtay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland ayaa sheegay in loo baahan yahay in la Qarameeyo ciidamada Somalia maamul-goboleedyada dalkana laguna biiriyo kuwa dowladda Somalia si loo helo ciidammo Qaran oo awood leh.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in haddii la Qarameeyo Ciidamada maamullada Dalka ay soo bixi karto fursad dib loogu soo celiyo ciidamadii Somalia oo xilli ahaa kuwa Bariga Afrika ugu awoodda badan.

“Waxaa la yiraahdaa ciidan waxaa la dhisaa xilliga nabadu jirto, laakiinse innagu waxaan ku qasbanaanay inaan ciidamadeena dhisno innagoo colaad ku jirna, sidii aan awoodno ayaana u dhisanaynaa,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Sidoo kale, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in dagaallada lagula jiro Al-shabaab uusan ahayd mid dowaldda dhexe oo keliya u yaalla, laakiinse uu yahay mid looga baahan yahay maamullada dalka ka jira inay door muhiim ah ka ciyaaraan.

“Maanta waan ka gudubnay xilliyadii hore, waxaan doonaynaa inaan dhisno ciidamadeenna, waxayna dowladda federaalku u saartay guddi ka kooban wasaaradda gaashaandhigga iyo maamullada gobollada dalka, guddigaas oo ka shaqeyn doona sidii ciidamadii dalka oo dhab loo soo dhisi lahaa,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Isagoo sii hadlayay ayuu madaxweynuhu xusay in ciidammo mideysan oo Qaran ay noqon karaan kuwa keliya ee dalka iyo dadka Soomaaliyeed mideyn kara, isagoo xusay in howsha dhismaha ciidamada Qaran ay meel wanaagsan marayso.

Dhanka kale, madaxweynaha ayaa ka hadlay dagaalka lagula jiro Al-shabaab, isagoo ka dal-baday maamullada gobollada dalka inay qayb ka qaataan dagaalka lagula jiro, maadaama ay kooxdu ahayn kuwo meel gaar ah ku eg, balse ay yihiin musiibo Qaran.

Ugu dambeyn, Xasan Sheekh ayaa xusay in ciidamada millateriga iyo kuwa booliiska looga baahan yahay inay ka shaqeeyaan sidii amniga shacabka ay u sugi lahaayeen, ugan difaaci lahaayeen Al-shabaab.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya