4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 1 , 2015
XIRIIRKA Ururrada Shaqaalaha Soomaaliyeed oo Hambalyo u Diray Shaqaalaha Soomaaliyeed


Jimco, May 01, 2015 (HOL) — Xiriirka Ururada Shaqaalaha Soomaaliyeed ee XUSS ayaa maanta hambalyo u diray dhammaan Shaqaalaha Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan xuska Maalinta Shaqaalaha Adduunka oo maanta ku beegan.

Munaasabad ay si wadajir ah u soo agaasimeen Xiriirka Ururada Shaqaalaha Soomaaliyeed iyo Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Somalia oo ay kas qayb-galeen qaybaha kala duwan ee Shaqaalaha Soomaaliyeed, madax ka socotay dowladda, ururrada bulshada rayidka ayaa maanta Muqdisho lagu qabtay.

War-murtiyeed Xiriirka Ururada Shaqaalaha Soomaaliyeed ee XUSS ay ugu talo-galeen oo goobta laga akhriyay  ayaa guddoomiye ku xigeenka xiriirka, Xamdi Cali Hiraabe, marka hore hambalyo u diray dhammaan Shaqaalaha Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan xuska Maalinta Shaqaalaha Adduunka.

“Dhibaatooyinka shaqo la’aaneed ee heysta dhallinta Soomaaliyeed iyo fursadaha shaqo helidda oo aan loo siineyn, wax loo dul-qaadan karo ma ahan, waana in dowladdu si deg-deg ah ay wax uga qabataa shaqo la’aanta baahsan iyo helista fursadaha shaqo oo loo sineyn waa in dowladdu xal deg deg ah u hesho, isla markaana dowladdu ay dedejiso barnaamijyada shaqo abuurka,” ayay Xamdi Cali ku sheegtay war-murtiyeedka.

Sidoo kale, war-murtiyeedka lagu cambaareeyay dhammaan gabood-fallada lagu shaqaalaha Soomaaliyeed oo ay ugu dambeysay dilkii Weriye Daa’uud Cali Cumar iyo xaaskiisa Xaawo Cabdi Adan oo dablay hubeysani gurigiisa oo ku yaalla Baydhabo ay ku toogteen habeennimadii Arbacada ahayd ee lasoo dhaafay saqdii dhexe, wuxuuna xiriirku uu tacs u diray dhammaan eheladii iyo qoyskiisii ay ka geeriyoodeen, iyadoo xiriirku cambaareeyay dilalka ka dhanka ah shaqaalaha Soomaaliyeed.

Xiriirka ayaa bogaadiyay sharcigii shaqaalaha ajaanibta ee dhawaan golaha wasiirradu an-sixiyeen oo ay wasaarradu shaqadu iyo arrimaha bulshada hor-geysay golaha, kuna til-maamay tallaabo horumar leh, fursado shaqana abuuri doona.

“Shaqaale aad u tiro badan ayaa xuquuqaadooda shaqo lagu xad-gudbaa, xuquuqaad badan oo ay shaqaalaha Soomaaliyeed heli lahaayeen ayaa waxay ku la’yihiin helista sharci difaaca shaqaalaha madaxa bannaan, loona baahan yahay in sharcigaas sida ugu dhakhsaha badan loo dhaqan geliyo,” sidaa waxaa yiri, Maxamed Ibrahim oo ah sii hayaha xoghayaha guud ee Xiriirka Ururada Shaqaalaha Soomaaliyeed ee XUSS, isagoo dhawaan kaga qaybgalay dalka Kuwait shirka caalamiga ah ee Ururada Shaqaalaha Carabta.

Ugu dambeyn, mas'uuliyiinta XUSS waxay sheegeen in shaqaalaha Soomaaliyeeed ay u rajeynayaa horumar iyo inay xuquuqdooda helaan, iyadoo mas’uuliyada arrintan ay saran tahay wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya