4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 1 , 2015
Danjire Maxamuud Cali Saalax oo loo Magacabay Madaxa Amniga ee Gobalka Waqooyi-bari Kenya


Jimco, May 01, 2015 (HOL) — Danjirihii hore ee Kenya u fadhiyay waddanka Sucuudiga Carabiya Ambassador  Mohamud Ali Salah, ayaa loo magacaabay in uu noqdo isku duwaha dhanka ammaanka ee Gobalka Soomaalidu ay ka dagto wadanka Kenya ee Waqooyi Bari Kenya.

Wasiirka arrimaha gudaha dalka Kenya, Joseph Ole Nkaissery, ayaa shalay ku dhawaaqay magacaabista Danjire Maxamud loogu doortay inuu noqdo Madaxa Amniga gobalkaas, wuxuuna sheegay in dowladu ay ka faa’ideysan doonto aqoontiisa.

“Maamullihii hore ee gobolka Waqooyi Bari Maxamud Cali Saalax, ayaan u dooranay inuu noqdo isku duwaha dhanka amniga ee gobalkaas. Dowladda kenya iyo shacabkeedaba waxey ku tiirsanaan doonaan waayo-aragnimada uu u leeyahay hakinta marin habaabinta dhallinyarada iyo dhibaatooyinka ka taagan gobalka waqooyi bare”, ayuu yiri Wasiirka arrimaha gudaha Kenya.

Masuulkaan cusub, ayaa waxaa looga fadhiyaa inuu wax ka qabashada arrimo ay ka mid yihiin; joojinta dagaal beeleedyo ka dhaco gobalkaas, Tahriibinta waxyaabaha kootarabaanka ah, soo celinta sharciga iyo kala dambeynta iyo wax ka qabashada weerarada iyo dilalka qorsheysan ee gobalkaas ka dhaco.

Dhanka kale masuulkaan, ayaa waxaa hoos imaan doono guddoomiye goboleedyada dhanka ammaanka ee magaalooyinka Gaarisa, Wajeer iyo Mandheera oo dhamaantood bilihii aynu soo dhaafnay ay ka dhaceen falal ammaanka lidi ku ah.

Si kastaba ha ahaatee, dowlada kenya ayaa u muuqato iney aqbashay rabitaanka shacabka, iyadoo baryahaan dambe ay jireen codsiyo ka imaanaayay dadka deegaanka iyo masuuliyiinta gobalka Waqooyi Bari Kenya. kuwaasoo ku saabsana in maamulka dhanka amaanka gobalkaas loo dhiibo dad Soomaali ah oo masuulkaan uu kamid ahaa.

Mohammud Ali Salah oo horay u ahaan jiray guddoomiyaha gobolka Waqooyi Bari Kenya, ayaa sidoo kale wuxuu soo xukumay goballo kale oo ka tirsan Kenya. Wuxuuna qabiir ku yahay dhanka Maamulka amniga, isagoona ku guuleystay waagii uu guddoomiyaha ka ahaa gobalka Waqooyi Bari sugida amniga gobalkaas madaama xiligaas la sheegay in gobalkaas uu ahaa mid aanan isku furneyn, sidoo kalana ay ka jireen kooxo burcad hubeysan ahaa oo dadka iyo Gaadiidka dhibaateyn jiray.

Magacaabista Danjiraha Saalax ayaa waxey ka dambeysay, ayadoo shalay lagu soo gaba-gabeeyay magaalada Gaarisa shir amniga looga hadlaayay oo mudo saddex cisho ah magaaladaas oga socday; masuuliyin ka tirsan ismaamulka Gaarisa, Waxgarad, Culumo’awdiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online
[email protected] | [email protected]
Nairobi – Kenya