4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 1 , 2015
MINNESOTA: Khadro oo Noqotay Gabdhihii ugu horreysay oo Somali ah oo Booliiska (SAWIRRO)


Jimco, May 01, 2015 (HOL) — Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka waxaa shalay warqaddii ka mid ahaanshaha Booliiska Minnesota la guddoonsiiyay Khadro Maxamed oo noqonaysa gabadhii ugu horreysay ee Soomaaliyeed ee ka mid noqonaysa booliiska. Khadro oo 22-jir ah waxay si rasmi ah uga mid noqotay booliiska gadiidka dadwaynaha (Metro Transit).

Khadro Maxamed waxay sheegtay in iyadoo xijaabkeeda xiran ay shaqadeeda wadanayso; waxayna ku dartay inay iyadu ka dhaadhicisay saraakiisha sare ee nabad-galyada, iyadoo xustay in hab duwan xijaabyada kale loo tolay xijaabka ay iyadu xiranayso, haddii qof qabsadana uu si fudud ku furmi karo.

Sidoo kale, waxay shalay Khadro sheegatay inay aad u jeceshahay inay wax ka qabto dhallinyarada Soomaaliyeed ee ka mid noqonaya burcada ama gala danbiyadda iyadoo xustay inay doonayso inay caawiso bulshada.

Khadro waxay ka toddobo ku noqonaysaa dhallinyarada Soomaaliyeed ee booliiska Minnesota ka tirsan, kuwaasoo ka howlgala waaxda gaadiidka (metro transit Police) iyadoo hore ay uga mid ahayeen lix wiil.

Goobtii ay maanta Khadro ku guddoomaysay aqoonsiga ka mid ahaansha booliiska ayaa waxaa kasoo qaybgalay madaxda sare ee waaxda metro transit iyo dadwayne Soomaaliyeed oo iyaguna goobjoog ka ahaa maalintan taariikhiga ah.

Todabaadkii lasoo dhaafay magaalada labaad ee Soomaalidu ku fara badan tahay ee Columbus Ohio ayaa Ismahaan Ciise oo doonaysay inay ka mid noqoto booliiska Ohio ay isaga hartay iyadoo ku sababaysay in loo diiday xiliga ay shaqaynayso inay xirato xijaab.

Dhallinyarada booliiska ah ee Minnesota ayaa helayay dallacaadyo kala duwan, iyagoo qaar ka midna ahna ay gaareen inay tababaro ka hortaga dambiyadda Soomaalida ah ay kasoo bixiyaan dalka Canada booliiskooda magaalada Toronto.

Waxaana kaloo la sheegay inay hoos u dhaceen dilalkii ay isku gaysan jireen dhallinyarada Soomaaliyeed ee deggen Minnesota kaddib markii xaafadahii dilalku ka dhaci jireen ay ka hawlgaleen booliis Somali-American ah.

Gobolka Minnesota waxaa jira dhallinyaro badan oo ka mid ah booliiska magaalooyin fara badan waxayna leeyihiin urur ay ku midaysan yihiin kasoo lagu magacaabo Somali Amercan Police Association loona soo gaabiyo SAPA iyagoo sheegay inay doonayaan inay ku caawiyaan ururkaan dhallinyarada danaynaysa ka mid ahaansha booliiiska ee ku nool Maraykanka.

Siyad Said Salah, Hiiraan Online
[email protected]
Minneapolis, Minnesota, USA