4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 1 , 2015
RW Cumar oo shaqaalaha Soomaaliyeed u diray hambalyo Maalinta Shaqaalaha Adduunka ku beegan


Jimco, May 01, 2015 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Camar Cabdirashiid Cali Sharmarke ayaa u diraya hambalyo ku aaddan maalinta shaqaalaha Adduunka dhammaan shaqaalaha Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

Maalinta shaqaalaha Adduunka ayaa markii ugu horraysay la isku raacay in 01, May, 1904-tii ay noqoto maalin ay shaqaalaha Dunida dabaal-dagaan si ay xuquuqdooda u muujiyaan, lana qaybsadaan farxada qoysaskooda iyo asxaabtooda.

"Maalinta shaqaaluhu waa maalin caalami ah oo adduunka oo dhan looga dabaal-dago, waa maalin la xuso guulaha ay soo hoyeen ururrada shaqaalaha; waana maalin lagu xuso halganka ay shaqaaluhu ugu jiraan inay bulshooyinkooda ka saaraan faqriga. Haddana waxaan halkaan uga hambalyeynayaa dhammaan shaqaalaha dowaladda iyo kuwa rayidka ah ee Soomaaliyeed rag iyo haweenba, waxaanna ku amaanayaa howl-karnimada ay muujiyeen iyo dadaalkooda ku aadan inay horumar gaarsiiyaan dalkooda iyo dadkooda," ayuu yiri RW Cumar.

Waxaa kaloo ra'iisul wasaaruhu sheegay inay ka go'an tahay xukuumadiisa in shaqo loo abuuro dhallinyarada ka qalin-jabisay jaamacadaha waddanka, xirfadlayda iyo xoogsatada Soomaaliyeed.

"Kal-fadhigii golaha wasiirrada ee dhacay Khamiistii lasoo dhaafay waxaa lagu ansixyay sharciga lagu dhaqayo shaqaalaha ajaanibta ah ee dalka ka howlgala, wuxuuna sharcigaas qeexayaa in dadka ajaanibta ah aysan dalka ka shaqayn karin iyagoon haysan ruqsado shaqo, isla markaan aysan qaban karin shaqo xirfadeed qof Soomaali ah uu qaban karo, taas macanaheedu waxaa weeye in mudnaanta la siiyo dadka Soomaaliyeed oo shaqo la'aantu hayso. Siyaasadda xukuumadu waa in loo abuuro shaqooyin aqoon-yahanka iyo xirfadlayda Soomaaliyeed," ayuu hadalkiisa ku daray Sharma’arke.

Sidoo kale, RW Somalia ayaa xusay in dhallinyaradu ay yihiin laf-dhabartii dalka, loogana fadhiyo inay qayb muhiim ah ka qaataan dib u dhiska dalka, ogaadaana waddan kasta oo caalamka ah oo gaaray horumar inay hormuud u yihiin dhalinyaradiisa.

"Dhallinyaradu waa mustaqbalkii dalkan, shucuub kastoo ku tilaabsatay horumar dhaqaale iyo mid siyaasadeed waxaa laf-dhabar u ahaa dhalinyaradiisa, waana inaan meel uga soo wada jeedsanaa sidii dalkaan aan uga dhigi lahayn mid ammaan ah oo noo saamixi kara inay yimaadaan shirkado maal-gashi ku sameeysta, si dhallinteenna wax bartay shaqooyin loogu abuuro,” ayuu RW Somalia hadalkiisa ku daray.

Ugu dambayn, RW Cumar C/rashiid ayaa ugu baaqay shirkadaha gaarka loo leeyahay inay xil-weyn iska saaran sidii shaqo ugu abuuri lahaayeen ardayda ka qalin-jabisay Jaamcadaha dalka, isla markaan dadka shaqaalaha u ah ugu diyaarin lahaayeen goobo caafimaad ahaan iyo baadbaada ahaan ku haboon in lagu shaqeeyo, si looga baaqsado inaysan dhibaatooyin soo gaarin shaqaalaha xiliyada ay shaqada ku guda jiraan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya