4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 2 , 2015
SAWIRRO: Wafdigii uu hoggaaminayo Wasiirka Difaaca DF ee gaaray Guriceel


Isniin, Maarso 02, 2015 (HOL) — Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka difaaca Soomaaliya, C/qaadir Shiikh Cali Diini ayaa maanta gaaray magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud, waxaana kusoo dhaweeyay madaxda maamulka gobolka Galgaduud, xildhibaanno, odayaal dhaqan iyo saraakiil ciidan.

Ujeeddada socdaalka wafdiga wasiirka gaashaandhiga Somalia ayaa ah sidii loo xalin lahaa dagaalladii dhawaan ku dhex-maray magaalada Guri-ceel ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa Ahlusunna Waljamaaca.

Wasiirka Difaaca ayaa kulamo gooni-gooni ah la qaatay saraakiisha Ciidmadda dowladda Soomaaliya ee ku sugan magaalada Guriceel iyo kuwa Ahlusunna, waxana uu Wasiirku kala hadlay sidii xal looga gaari lahaa colaada ka taagan deegaanka, isagoo kormeer ku tagey goobihii dagaalladu ay ka dhaceen, wuxuna mahadcelin u jeediyay odayaasha iyo ganacsatada isku howlay sidii arrintan xal ugu heli lahaayeen.

Wasiirka oo saxaafadda kula hadlay degmada Guri-ceel ayaa socdaalkiisa ku sheegay inuu yahay sidii xal waara looga gaari lahaa dagaallada uu dhiiggu ku daatay ee degmadaas ka dhacay, isagoo tilmaamay gacan ka hadalka uu u baahan yahay in lagu xaliyo wada-xaajood iyo is-qancin.

“Waxaan u nimid inaan horseed u noqono nabadda iyo wadajirka dadka walaalaha ah ee dagaalamay, ma jirto nabad cid noo keenaysa intiinaan ayaa laga rabaa xalka. Soomaaliya waayo aragnimo ku filan dagaal waa leedahay waxa laga dhaxlayna waad og-tihiin, waxaan aad uga xumahay in ciidankii difaaci lahaa dalka uu shacabkii ku dhex-dagaalamo, dhamaanteen waajib ayaa naga saaran in aan raadino xal ka duwan gacan ka hadalka,” ayuu yiri C/qaadir Sh. Cali Diini.

Sidoo kale, wasiirka ayaa intaas ku daray. “Dalka Somalia wuxuu soo maray 24-kii sano ee lasoo dhaafay colaado, abaaro, qalalaase siyaasadeed oo  horseeday burbur soo gaara haykalkii dowladnimo ee dalka, waa inaan dhamaanteen u wada istaagnaa samatabixinta dalka iyo dadka. Waa inaan meel uga soo wada jeedsano sidii wixii dhacay aan wada hadal ugu dhameyn lahayn, gobolka Galgaduud wuxuu ka mid yahay gobolladii ay colaaduhu la haraan gacantiina ayay ku jirtaa nabad iyo horumarka gobolka,” ayuu yiri wasiirka difaaca oo intaas ku daray gacan ka hadalkii hore ee dhiiggu ku daatay in looga gudbi karo wadaxaajood loo dhan yahay iyo wadahadal nabadeed.”

Degmada Guriceel ee gobolka Galguduud ayaa waxaa tan iyo dhammaadkii sannadkii la soo dhaafay ka socday dagaallo u dhexeeya ciidamada dowladda Somalia iyo xoogagga Ahlusunna Waljamaaca, kuwaasoo dhaliyay khasaare nafeed oo aad u fara badan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya