4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 2 , 2015
Is-rasaaseyn ciidanka amniga Somaliland & shacab ku dhexmartay Hargeysa

Isniin, Maarso 02, 2015 (HOL) — Is-rasaaseyn muddo kooban socotay ayaa laga maqlay manata bartamaha magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland, iyadoo is-rasaaseyntan ay u dhexeysay ciidammada ammaanka iyo shacab hubeysan.

Wararka ayaa sheegaya in iska-horimaadkan uu sababay muran dhuleed soo dhexgalay dad shacab ah, iyadoo dhulka lagu murmay uu ku yaalla meel ku dhow tiyaatarkii Hargeysa oo haatan dad shacab ahi ay dhisteen.

Ciidamada RRU-da Somaliland oo gaaray goobta muranku ka dhacay ayaa la sheegay inay is-rasaaseeyeen dadkii muranku u dhexeeyay, iyadoo ciidanku ay ugu dambeyn dadkii ku sugnaa goobtaas ku kala eryay suntan dadka ka il-meysiisa.

Illaa hadda lama sheegin wax khasaare nafeed ah oo ay sababay is-rasaaseynta dhexmartay ciidamada amniga Somaliland iyo shacabkii hubeysnaa, waxayna xaaladda kusoo laabatay sidii caadiga ahayd.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya