4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 2 , 2015
Kulan looga hadlay daryeelka caafimaadka Hooyada oo Muqdisho lagu qabtay


Isniin, Maarso 02, 2015 (HOL) — Kulan looga hadlayay olalaha kor u qaadidda adeegga caafimaadka hooyada iyo dhallaanka Soomaaliyeed oo qayb ka ah yareynta dhibaatooyinka la xiriirta dayeel la’aanta caafimaadka ee soo wajahda hooyada iyo dhallaanka ayaa lagu qabtay Muqdisho, waxaana soo qaban-qaabisay kulankan Dr. Maryan Qaasim Axmed.

Waxaa kulankan ka qaybgalay wasiirkii hore Hiddaha iyo Tacliiinta sare ee Soomaaliya, mas’uuliyinka ka socotay wasaaradda caafimaadka Somalia, ururka haweenka Qaranka, uruka haweenka gobolka Banaadir, ururradda bulshadda rayidka ah iyo xubno kale.

Dr. Maryan Qaasim oo kulanka furtay ayaa sheegtay in loo baahan yahay in loo istaago sidii wax loogu qaban lahaa hooyada & dhallaanka Soomaaliyeed, isla markaana looga hor-tagi lahaa dhibaatooyinka gaara xilliga dhalmada.

Guddoomiyaha ururka haweenka gobolka Banaadir, Jawaahir Baar-qab oo ka hadashay kulanka ayaa iyana sheegtay inay dhiirri-gelineyso barnaamijyada noocaan oo kale, si daryeel caafimaad ay u helaan hooyada iyo dhallaanka.

Sidoo kale, guddoomiyaha ururka haweenka Qaranka, Batuula Sh. Axmed Gabale oo ka hadashay ololahan ayaa xustay in dayaacadda hooyada ay ka soo billaabato qoyska, loona baahan yahay in qoysaska laga wacyi-geliyo sidii ay ubadkooda u barbarian lahaayeen, iyadoo wasaaradda caafimaadka ka codsaday in la horumariyo adeegyada caafimaadka bulshada.

Ugu dambeyn, wasiirkii hore ee Hiddaha iyo Tacliinta Sare ahna aasaasihii barnaamijka Carma ee la xiirara ololaha kor u qaadista daryeelka adeegga caafimaadka hooyada iyo dhallaanka, Ducaale Aadan Maxamed ayaa xusay in ku guulaysiga adeegidda daryeelka caafimaadka hooyada iyo dhallaanka uu la xirriiro hoos u dhigidda khataha caafimaad ee hooyada soo wajahda xilliga dhalmada.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya