4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 2 , 2015
TARSAN: Kuwa Wadooyinka Muqdisho Biraha ku Xiraya ujeedo ayay leeyihiin


Isniin, Maarso 02, 2015 (HOL) — Gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Max'ud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa ka hadlay falalka ammaan-darro ee maalmihii lasoo dhaafay Muqdisho ka jiray, isagoo xusay in muddooyinkan dambe uu ka jiro argagax iyo cabsi badan.

Tarsan oo wareysi siiyay mid ka mid ah idaacadaha Muqdisho ayaa sheegay in nasiib-darro weyn ay tahay in biro iyo dhagxaan lagu xir qaar ka mid ah waddooyinka Muqdisho, wuxuuna intaas ku daray inaysan ammaan sugeyn biro iyo dhagxaan waddooyinka lagu xiro.

“Cid walba oo doonaysa inay Muqdisho ka dhisato hoteel ama xarun ganacsi inay illinka dhismahooda ku xiraan biro iyo dhagxaan, iyagoo sheegaya inay ammaanka ku sugayaan, balse waa dano ay dad gaar ah wataan,” ayuu Tarsan ku daray hadalkiisa.

Sidoo kale, Tarsan ayaa tilmaamay in ujeedka kuwaas danaha gaarka ah leh ay tahay inay xumeeyaan muuqalka iyo amniga Muqdisho; wuxuuna intaas ku daray inuu ku baaqayo in la joojiyo qal-qalka ay abuurayaan dadkaas iyo sawirrada ay muuqaalka caasimadda ka bixinayaan.

“Xilligii aan guddoomiyaha ahaa gobolka Banaadir Qaramada Midoobay ayaan ka diiday in waddada ay xirtaan; illaa madaxweynaha ay uga tageen, marka dhagax iyo biro meel la dhigay ammaanka ma sugaan, waxaana wata barnaamijkan dad ujeeddooyin kale leh oo doonaya in magaalada sawir aad u fool xun laga bixiyo,” ayuu Tarsan hadalkiisa ku daray.

Ugu dambeyn, duqii hore ee gobolka Banaadir ayaa xusay in amniga Muqdisho uu yahay mid hagaagsan, laakiinse la doonayo in caalamka laga dhaadhicyo ammaan inuusan ka jirin si kuwa dalka jooga iyo kuwa imaan lahaa ay baqaan.

Si kastaba ha ahaatee, waddooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho qaarkood ayaa lagu arkayaan dhagaxaan iyo biro waaweyn oo lagu xiray xarumaha hay’adaha kala duwan ee dalka ka howlgala ay daggan yihiin iyo hoteellada caasimadda ku yaalla.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya