4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 2 , 2015
Wasiirka Difaaca Soomaaliya iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo Gaaray Guri-ceel


Isniin, Maarso 02, 2015 (HOL) — Wafdi uu hogaaminayo wasiirka difaaca xukuumadda Soomaaliya Jen C/qaadir Sheekh Cali Diini oo gaaray degmada Dhuusa-mareeb, ayaa la sheegay in ay safar dhulka ay ku tageen degmada Guri-ceel ee gobolka Galguduud oo ay ka jiraan xiisado colaadeed.

Socadaalka wafdiga wasiirrka ayaa lagu sheegay xal u helida dagaallada iyo colaada degmada ee ka dhax-oogan ciidammada dowladda iyo xoogagga Ahlu Sunna Waljmeeca.

Waxaa lagu waddaa in wasiirrka iyo wafdigiisa kulamo kala duwan la qaataan, odayaasha iyo waxgaradka degmada ee ku howllan joojinta dagaalka, siddoo kalana waxaa la fillayaa in ay is arkaan wafdiga wasiirka saraakiisha xoogagga Ahlu Sunna ee gacanta ku haya degmada Guri-ceel.

Waxaa siddoo kale la fillayaa in wasiirrka iyo wafdigiisa booqdaan saldhiga ciidammada dowladda ee la dagaallamay xoogagga Ahlu Sunna ku leeyihiin dulleedka degmada, isaga oo kala hadlli doono arrimo la xiriira dagaallada iyo siddii xal loogu heli lahaa.

Wasiirrka ayaa caawa sii joogi doona degmada Guri-ceel halkaa oo kulamo is daba jooga ah uu kula yeellan doono odayaasha iyo saraakiisha dhinacyadii dagaallamay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya