4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 2 , 2015
Natiijada Imtixaannada Dugsiyada Sare Kenya oo la filayo in berri la shaaciyo


Isniin, Maarso 02, 2015 (HOL) — Natiijooyinka Imtixaanka shahaadiga ah ee Dugsiyada sare ee Kenya (KCSE) Kenya Certificate of Secondary Education, ayaa la filayaa in la shaaciyo 3-da bishaan Maarso oo ku beegan Talaadada bari ah ee fooda inagu soo hayso.

Wasiirka Waxbarashada Kenya Jacob Kaimenyi, ayaana magaalada Nairobi ee caasimada Kenya kaga dhawaaqi doono natiijada kama dambeysta ah ee imtixaanka KCSE oo ay arday badan iyo waalidiin ka dhur sugayaan.

Imtixaanaadka Dugsiga sare ee Kenya oo arday gaareyso 485,547 (Afar Boqol Sideetan iyo Shan Kun, Shan Boqol Afartan iyo Todobo) ardayd ay u fariisteen sanadkii hore, ayaa waxaanan lagu dhawaaqi doonin kaalmaha ugu horeeyo ardayda galay iyo waliba dhibcaha ay helaan balse waxaa la sheegi doonaa oo kaliya ardayda ku baastay imtixaanka ee ku biiraayo Jaamacadaha iyo kuwa dhacay. Halka waagii hore Kenya laga shaacin jiray ardayga kaalinta koowaad galay iyo dhibcaha uu helay.

Waaliddiin fara badan oo caruurtooda ay ka mid yihiin kuwa sugaayo natiijooyinka, ayaa muujiyay himilooyin ku saabsan in caruurtooda ay heli doonaan dhibco sare oo waxbarashadooda ay ku sii wataan.

Dhanka kale, Joseph Kivulu oo ah Madaxa Golaha Qaranka Imtixaanaadka dalka Kenya ee (KNEC) Kenya National Examinations Council, ayaa rajo ka muujiyay natiijada KCSE oo uu ku tilmaamay iney noqon doonto mid farxad galiso ardayda.

Sidoo kale, berri ayaa waxaa lagu dhawaaqi doonaa Liiska ardayda mudnaanta koowaad leh kadib markii Wasiirka Waxbarashada Kenya Jacob Kaimenyi, uu mamnuucay bishii December ee sanadkii hore shaacinta kala sareynta dhibcaha tooska ah, iyadoona bari la shaacin doono liiska ardayda u gudbeyso Jaamacadaha iyo kuwa aqoontoodu ay hooseyso.

Kenya ayaa sanad kasto marka la gaaro saddexda bisha Maarso, waxaa looga dhawaaqaa natiijada  Imtixaanadka Dugsiyada sare ee Kenya, oo ardaydu ay u fariisteen dhamaadkii sanadkii hore.

Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online
[email protected] | [email protected]
Nairobi – Kenya