4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 2 , 2015
Wariye loo Magacaabay Afhayeenka Madaxweynaha KMG ee Koonfur Galbeed


Isniin, Maarso 02, 2015 (HOL) — Wariye C/qaadir Maxamed Cashir Nadaara oo ka mid ah wariyeyaasha Soomaaliyeed ee dalka dibaddiisa ku nool ayaa loo magacaabay inuu noqdo afhayeenka madaxweynaha maamulka Koofur-galbeed Soomaaliya, Shariif Xasan Sheekh Aadan.

C/qaadir Nadaara ayaa sheegay inuu xilka u magacaabay madaxweynaha maamulka KMG ah ee Koonfur-galbeed, Shariif Xasan uuna ku shaqeynayo isagoo uga mahad-celiyay xilka uu u magacaabay.

“Waa mid aan ku faraxsanahay xilka uu madaxweyne Shariif Xasan aniga ii magacaabay, kaasoo ah inaan noqdo afhayeenkiisa gaarka ah,” ayuu yiri C/qaadir Nadaara oo saxaafada la hadlay.

Sidoo kale, wariye Nadaara ayaa kasoo shaqeeyay saxaafada gudaha iyo dibadda waxaana ka mid ah warbaahinta uu kasoo shaqeeyay idaacado iyo taleefishinno kala duwan.

Magacaabiddiisa ayaa kusoo beegmaysa xilli maamulka KMG ah ee Koofur-galbeed uu dhawaan sheegay inuu Al-shabaab ka saari doono dhammaan deegaannada hoos-yimaada maamulkooda.

Gobollada uu ka taliyo maamulka Koonfur-galbeed ayaa kala ah Shabeellada Hoose, Bay iyo Bakool, waxaana deegaanno gobolladaas ka tirsan gacanta ku haysa Xarakada Al-shabaab ee Somalia, inkastoo qaarkood laga saaray.

Suxufiyiinta Soomaaliyeed ayaa sannadihii u dambeeyay loo magacaabay xilal ka tirsan kuwa dowladda, iyadoo horay xilka afhayeenka xafiiska RW Somalia loogu magacaabay Ridwaan Xaaji C/weli .

Ugu dambeyn, magacaabidda C/qaadir Nadaara ayaa kusoo beegmaysa iyadoo bilo ka hor uu u magacaabay madaxweyne Xasan Sheekh inuu afhayeenkiisa noqdo wariye Daa’uud Aweys oo horay ug soo shaqeeyay laamaha af Soomaaliga ee BBC-da iyo VOA-da oo uu xilliyadii ugu dambeeyay u shaqeynayay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya