4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 2 , 2015
Kulan looga hadlayay la-dagaalanka Qaadka oo Qardho lagu qabtay (Sawirro)


Isniin, Maarso 02, 2015 (HOL) — Kulanka oo ahaa mid ay soo qabanqaabisay Jaamacadda Bariga Afrika qaybteeda magaalada Qardho ayaa diiradda lagu saaray dhiibaatooyinka uu qaadka ku keeno bulshada qaybaheeda kala duwan.

Abuukar Cawaale (Qaaddiid) oo u ololeynaya in Qaadka laga joojiyo Puntland ayaa kamid ahaa xubnihii lagu casuumay shirkan ka dib soo dhaweyn uu kala kulmay maamulka degmada iyo kan gobolka Karkaar.

Guddoomiyaha jaamacadda Bariga Afrika Cali Maxamed oo shirka furay ayaa sheegay in ay ku faraxsan-yihiin ololaha ka bilowday Puntland, waxaana uu ku baaqay in bulshada meel uga soo wado jeesato sidii loo joojin lahaa Qaadka.

“Jaamacaddu waxa ay garab-tagaantahay ololaha la dagaalanka Qaadka, waana ay ka qayb-qaadan doontaa si kasta oo bulshada arintan looga wacyi galin karo”ayuu yiri Cali Maxamed oo goobta ka hadlay.

Guddoomiyaha degmada Qardho Maxamed Siciid Ciise ayaa sheegay in uu muddo soo cunayay qaadka ,isla markaana uu kala soo kulmay dhibaatooyin badan ,waxaana uu ku baaqay in  laga waantoobo cuniddiisa.

Ugu danbayn, Abuukar Cawaale Qaaddiid ayaa sheegay in dhamaan uu booqan doono deegaanada Puntland si loo ballaariyo ololahan looga hortagayo Qaadka ,waxaana maalmo ka hor uu sheegay in ay jiraan dad ugu soo hanjabay in ay dilayaan hadii uusan Puntland ka joojin ololahan.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]