4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 2 , 2015
Muran ka Taagan Wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland ee dalka Turkiga


Isniin, Maarso 02, 2015 (HOL) — Wafdiga Somaliland uga qaybgalaya shirka Istanbuul ay ku yeelanayaan Soomaaliya iyo Somaliland ayaa diiday inay ka qaybgalaan shirka, kaddib markii ay sheegeen in xubnaha dowladda Somalia ka socda ay ku jiraan kuwo kasoo jeeda deegaannadooda.

Tan iyo xalay ayaa waxaa socday dadaallo lagu qancinayo wafdiga dhanka Somaliland ka socda, iyadoo shirku uusan furmin shalay oo ahayd inuu si rasmi ah u billowdo, welina waxaa muuqata inay caqabadii taagan tahay.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, Maxamed Biixi Yoonis ayaa sheegay mar kale inaysan doonayn inay hor-fariistaan xubno deegaannadooda kasoo oo matalaya dowladda Somalia, balse ay doonayaan inay la hadlaan xubno ka socda Koonfurta Soomaaliya.

Shirka inuu furmo maanta ayaa shaki weyn laga muujinayaa, iyadoo weli wax horumar ah aan laga smayen shuruudihii ay soo gudbisay Somaliland, iyadoo aysan jirin sidoo kale in wafdiga Somaliland ay tanaasul samaayeen.

Xubnaha Somaliland ay diidan yihiin inay shirka soo fariistaan oo ka tirsan wafdiga dowladda Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ah wasiirka warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada, Cali Axmed Jaamac Jangeli iyo xidhibaan ka tirsan wafdiga Somalia.

Dhanka wafdiga Somalia ayaa iyaguna ku adkeysanaya inaan waxba laga bedeli doonin xubnaha wafdigooda, iyagoo shuruudda ay xubaha ka socda Somaliland soo jeediyeenna ku tilmaamay mid aan la ogolaan karin.

Murankan ayaa noqonaya kii ugu adkaa ee soo dhexgala wafdiyada Somalia iyo Somailand ee dhowr jeer ee hore kulammada ku yeeshay dalka Turkiga, iyadoo xubno ka socda dowladda Turkiga ay iyaguna dadaal ugu jiraan sidii ay isugu soo dhaweyn lahaayeen labada dhinac.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya