4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 1 , 2015
Taliyihii ilaalada canshuuraha gobolka Mudug ee Puntland oo lagu dilay qarax


Axad, Maarso 01, 2015 (HOL) — Taliyihii Ilaalada Canshuuraha Maamulka Puntland ee gobolka Mudug, Duraan Cumar Geele (Qaylo) ayaa maanta lagu dilay qarax loogu xiray gaarigiisa.

Qaraxa lagu dilay mas’uulkan ayaa ka dhacay magaalada Gaalkacyo, isagoo marayay meel ku dhow Iskuulka Yameys, lamana oga waxyeello dad kale kasoo gaartay oo Qaraxa uu ku dhintay taliyaha.

Taliye ku xigeenka booliiska gobolka Mudug, isla markaana ah taliyaha ciidanka birmadka C/rashiid Xasan Xaashi (Gibi-gibi) ayaa warbaahinta u sheegay inuu taliyuhu xilliga uu la qarxayay gaarigiis ku socday xafiiskiisa, isagoo xusay inay miinadu ahayd mid loogu xiray gaarigiisa, xilligaasna aysan la socon askartii ilaalada u ahayd.

Ugu dambeyn, C/rashiid Gibigibi ayaa sheegay in ciidamada ammaanku ay gaareen goobta uu qaraxu ka dhacay oo ay baaritaan ka sameeyeen, isagoo xusay in ciidamada ay baaritaan ka sameyn doonaan dhamaan meelaha ay shakiga ka qabaan in gaariga looga soo xiray.

Si kastaba ah ahaatee, bishii December ee sanadkii hore 2014-ka ayaa sidan oo kale qarax loogu xiray gaarigiisa uu dhaawac ka soo gaaray guddoomiye ku xigeenkii koowaad ee gobolka Mudug, Farxaan Cali Xaad.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya