4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 1 , 2015
Maxkamadda Gobolka Banaadir oo Xukunno Ganaax ah ku Ridday Wariyeyaal


Axad, Maarso 01, 2015 (HOL) — Milkiilaha idaacadaha Shabelle iyo SKY FM, C/maalik Yuusuf Maxamuud iyo saddex wariye oo laba ka mid ah ay ka mid ahaayeen wariyeyaasha Shabelle iyo SYK FM ayaa maanta ganaax lacageed la dul-dhigay.

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa mar kale la horgeeyay wariyeyaasha iyo milkiilaha idaacadahan maanta, iyadoo maxkamaddu ay dhageysatay dacwadahooda; kaddib ayuu ku sheegay maxkamadda guddoomiyaha maxkamadda, Dr. Xaashi Cilmi Nuur in suxufiyiinta lagu helay dacwaddii lagu soo oogay oo ahayd faafin warar been abuur ah.

“Waxaan maanta u fariisannahay dhageysiga dacwad loo haystay wariyeyaal ka kala tirsan idaacadaha Shabelle, SYK FM iyo Idaacadda Risaala, dhammaantoodna waxaa lagu helay dmbiyadii lagu soo eedeeyay” ayuu yiri Dr. Xaashi Cilmi Nuur.

Guddoomiyaha maxkamadda ayaa intaas kaddib ku dhawaaqay natiijada xukunnada lagu riday wariyeyaashan iyo milkiilaha idaacadaha Shabeelle iyo SKY FM, isagoo yiri;

1. Milkiilaha idaacadaha Shabelle iyo SKY FM, C/maalik Yuusuf Maxamuud waxay maxkamaddu ku xukuntay ganaax lacageed oo dhan 10,000 oo doollar iyo intii uu xirnaa. Haddii uu bixiyo lacagta, maxkamaddu waxay ku wareejin doontaa agabkii idaacadihiisa ee laga hayay.

2. Wariye Maxamed Maxamuud Daahir (Carab) oo ahaa agaasimaha SKY FM waxaa isna lagu xukumay 2,000 oo doollar oo ganaax ah iyo intii uu xirnaa; haddii uu lacagtan bixiyo ayaana xabsiga laga sii daynayaa.

3. Wariye Axmed Cabdi Xasan oo ahaa tifaftirihii Radio Shabelle waxay isna ku xukuntay maxkamaddu 500 oo doollar oo ganaax ah iyo intii uu xirnaa… maadaama uu damaanad dibadda ku joogo haddii uu lacagta ku bixin waayo illaa berri oo Isniin ah, xabsiga ayaa loo taxaabayaa, inta uu ganaaxa ka bixinayana xabsiga ayuu ku jiri doonaa.

4. Wariye Maxamed Cabdi Cali oo ka mid ah wariyeyaasha idaacadda Risaala isna waxay maxkamaddu ku xukuntay 500 oo doollar oo ganaax ah iyo intii uu xirnaa… haddii lacagta ganaaxa ah uu bixiyana xabsiga waa laga sii daynayaa.

Ugu dambeyn, Dr. Xaashi Cilmi Nuur ayaa sheegay in wariye Maxamed Bashiir Xaashi oo ka mid ahaa wariyeyaasha Shabeelle dib loo dhigay dacwaddiisa, kaddib markii ay ku soo baxeen eedeymo kale.

Si kastaba ha ahaatee, xoghayaha guud ee NUSOJ, Maxamed Ibraahim oo maxkamadda ku sugnaa markii xukunkan lagu dhawaaqayay ayaa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin in maxkamadda gobolka Baaadir ay maanta ku dhawaaqdo xukunnadan wariyeyaashan, balse lacagta ganaaxa ah ay tahay mid aad ugu badan wariyeyaasha.

Maxkamadeynta wariyeyaashan ayaa dhowr jeer dib loo dhigay, laakiinse si ramsi ah ayaa maanta loosoo afjaray, iyadoo wariyeyaashan ay xirnaayeen muddo lix bilood ah, iyadoo aanay wax xukun maxkamadeed ah ku dhicin.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya