4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 1 , 2015
Jen. C/samad Cali Shire & xubno kale oo Maanta Maxkamadeyni u billaabatay


Axad, Maarso 01, 2015 (HOL) — Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland iyo xubno kale ayaa maanta hor-yimid maxkamad Islaami ah oo ka furantay duleedka magaalada Taleex ee gobolka Sool.

Maxkamaddan oo ay garsoorayaal ka yihiin lix qof oo laga soo kala xulay qaybaha kala duwan ee culummada ayaa lagu eegayaa eedaymo la xiriira dad lagu laayay dhammaadkii sannadkii 2013-kii magaaladda Taleex.

Jan. Cabdisamad Cali Shire iyo 22 xubnood oo kale ayaa loo haystaa inay qaab aarsi ah u laayeen dadkii lagu laayay magaalada Taleex xili ay ciidammo ka mid ah kuwa Puntland qabsadeen degmadaas, kana saareen maamulkii ka talinayay ee Khaatumo.

Sheekh Siciid Axmed Cadar oo ka mid ah gudiga hawshan gacanta kusoo hayay muddo ka badan afar bilood ayaa HOL u sheegay in culumada garsoorku ay dhegeysteen qaybo ka mid ah dacwadihii iyo difaacii labada dhinac ee is-haya.

"Waa sii soconaysaa illaa gelinka dambe ee maanta, waana soconaysaa illaa berito, wayna ka badan kartaa," ayuu yiri Sheekh Siciid.

Dadweynaha badankood ayaa Jan. C/samad u arka nin kalsooni weyn qaba maadaama uu go’aansaday inuu yimaado maxkamadda si nabad loogu helo beeshiisa iyo beesha ay ood-wadaagta yihiin ee sannadaha badan colaaddu ka dhex oognayd.

Lama saadaalin karo go'aanka kasoo bixi doona dacwadda ka socota Dooxada Gudur oo maxkamadda Islaamiga ah laga furay, waxaase guddiga dhiraan-dhirinaya sidii colaadaha degmada Taleex ragaadiyey xal waara loogu heli lahaa, lana sugo ammaanka.

Deegaanka maxkamadeyntu ka socoto ayaa ku yaalla meel 5-KM Waqooyi kaga beegan magaalada Taleex, iyadoo ay ku sugan yihiin ciidammo ilaalo ah oo aad u xoog badan, kuwaasoo ka kala socda beelaha kale ee degmada Taleex dega.

Si kastaba ha ahaatee, lama ogola inay soo galaan deegaanka ay ka socoto maxkamadeynta cid aan looga yeerin, xitaa waxaa laga raray reer guuraagii deggenaa aaggaas.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Onilne
[email protected]
Laascaanod, Gobolka Sool