4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 30, 2015
Ergayga QM ee Somalia oo Shacabka & Dowladda Somalia u diray Hambalyo ku Aaddan 01 Luuliyo


Talaado, Juun 30, 2015 (HOL) — Ergayga Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soomaaliya, Danjire Nicholas Kay ayaa hambalyo ku aaddan 55-sano guuradii kasoo wareegtay markii ay Somalia xorowday u diray shacabka iyo dowladda Somalia. Isagoo amaanay dadaalka ay dadka Soomaaliyeed ku xallinayaan labaatameeyo sanno oo colaado iyo deggenaasho la’aani ay ka jirtay Somalia.

Caawa oo ay ku beegan tahay 01-da Luuliya ayaa ah markii ay Gobollada Koonfureed ee Somalia xorriyadda ka Qaateen Gumeystihii Talyaaniga, ayna midoobeen labada gobol ee Waqooyiga iyo Koonfurta Somalia oo la dhisay Jamhuuriyaddii ugu horreysay ee Somalia.

“Waxaan ammaanayaa dadaalka ay shacabka Soomaaliyeed ku doonayaan inay ka dhigaan dalkooda nabad, kaddib labaatameeyo sano oo colaado ay ka jireen,” ayuu yiri danjire Kay.

Sidoo kale, waxaan ku amaanay dadka Soomaaliyeed, tallabboyinka ay u qaadeen dhinaca Qaran dhisidda, sida dib-u-eegista Dastuurka iyo Samaynta Shuruucda muhiimka ah si loo miro-dhaliyo Hiigsiga Soomaaliya ee sannadka 2016-ka.

Danjire Kay ayaa soo dhaweeyay horumarka laga gaaray maamul-dhisidda dalka, sida kan KMG ah ee Jubbaland, Koonfur-galbeed iyo kan Galmudugba. Isagoo ku daray in intaas ay dheer tahay dhismaha hay’adda dowliga ah ee ka jira Puntland.

Qoraal uu ergaygu soo saaray caawa ayuu ku sheegay in isagoo garwaaqsan horumrka laga sameeyay shuruucda muhiimka leh ee lagu horumarinayo Hiigsiga 2016-ka, ayuu haddana ku baaqay in si ded-deg ah loo dhamaystiro Shuruucda harsan oo ay ka mid yihiin Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashada iyo Guddiga Xuduudaha iyo Federaaleynta dalka.  

Ergayga wuxuu kaloo Amaanay Geesinimada Ciidamada Dowladda Somalia sida Booliska iyo ciidadma AMISOM, kuwaasoo ku howlan la-dagaallanka Argagaxisada iyo soo-celinta nabadda iyo Amniga Somalia.

Ugu dambeyn, danjire Nicholas Kay ayaa warbixintiisa ku yiri. “Maadaama ay Soomaaliya ay u tahay 55-guuradii kasoo Wareegtay Madax-bannaanideeda, Waxaan rajaynaynaa in si Nabad iyo Xasillooni ku dheehan tahay ay ugu Guurto Higsiga Siyaasadeed ee 2016-ka.”

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya