4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 30, 2015
ITOOBIYA: Hoggaamiyeyaasha Soomaaliya Waa inay iyagu Xal ka Gaaraan muranada u dhexeeya


Talaado, Juun 30, 2015 (HOL) — Dowladda Itoobiya ayaa ugu baaqday Madaxda Somalia inay dhexdooda xal ka gaaraan khilaafyada soo dhex-gala, kaddib kulan Addis Ababa ku dhexmaray mas’uuliyiinta xukuumadda Itoobiya iyo Hoggaamiyaha Jubbaland, Sh. Axmed Madoobe.

Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Itoobiya, Tedros Adhanom ayaa ku wargeliyay Axmed Madoobe oo uu kula kulmay Addis Ababa in Hoggaamiyeyaasha Somalia ay dhex-dooda xalliyaan khilaafyada u dhexeeya iyadoo aanay jirin faragelin oo dibadda uga timaadda,

Hoggaamiyaha Maamulka Jubbaland ayaa Addis Ababa u jooga sidii madaxda Itoobiya uu ugala tashan lahaa xallinta khilaaf maamulkiisa kala dhexeeya maamulka ay dariska yihiin ee Koonfur-galbeed Somalia ee uu Hoggaaminayo Shariif Xasan Sheekh Aadan.

“Labada Maamul ee Jubba iyo Koonfur-galbeed waa inay muujiyaan kalsooni dheeraad ah ayna sida ugu dhaqsiyaha badan ee Suuro-galka ah ku Xalliyaan khilaafkooda u dhexeeya, iyagoo cuskana aragiyo isku mid ah oo ay hal meel uga soo wada-jeesanayaan arrimaha ay ku muransan yihiin,” ayuu yiri Tedros oo kulanka kaddib kula Hadlay Addis Ababa Koox War-fidiyeenno ah.

Dhanka kale, madaxweynaha maamulka KMG ee Jubbaland ayaa sheegay inuu jiro khilaaf kala aragti duwanaan ah oo kala dhexeysa maamulkiisa Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaasoo ka dhashay Mooshinkii laga keenay Baarlamaanka Jubbaland, Kaasoo ay dhawaan Meel-mariyeen Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Madaxda Somalia ayaa mar walba oo uu khliaaf soo dhex-galo waxay waddanka Itoobiya u aadaan sidii ay murankooda ugu kala xukumi lahayd, taasoo inta badan ay dhaliil u soo jeediyaan shaacbka Soomaaliyeed.

Itoobiya ayaa sannadihii lasoo dhaafay dhowr jeer oo isku-xigta dhex-dhexaadin ka dhex-sameysay hoggaamiyeyaasha Soomaaliya oo ay khilaafyo u badan dhanka ku kala aragti duwanaashaha maamulka ay majaraha u hayaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya