4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 30, 2015
Safaaradda Shiinaha ee Dalka Somalia oo Qalab Waxbarasho ugu Deeqday Agoon Soomaaliyeed


Talaado, Juun 30, 2015 (HOL) — Safaaradda dowladda Shiinaha ee Somalia ayaa Qalab Waxbarsaho ugu deeqday Agoon Soomaaliyeed oo ku nool Xerada Badbaado oo ku taalla magaalada Muqdisho.

“Markii aan ogaaday in xaalad xun ay xerada ka jirto aad ayaan uga naxay, anigoo go’aan-saday inaan Qalabkan Waxbarasho agoonta ku jira xeradaas ugu deeqno, aad ayaana ugu faraxsanahay inaan kaalmadaan ugu deeqno carruurta Soomaaliyeed ee agoonta ah,” ayuu yiri danjiraha Shiinaha ee Somalia, Wei Hongtian oo ka hadlayay xerada xilligii qalabka la qaybinayay.

Sidoo kale, Danjire Wei Hongtian ayaa intaas ku daray in Safaaraddu ay sii wadayso xilli walba taageerada ay siinayso Carruurta Somalia. isagoo yiri. “Carruurtu waa dhallinyarada berri, waana in la caaiyo. Waxaanan Rumeysanahay in Qalabkan wax ka bedeli doono Xaaladooda.”

Guddoomiyaha Xerada Badbaado, Yuusuf Yaasiin ayaa isaguna u Sheegay Xinhua inay ka soo jawaabtay safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya codsi aan u dirnay oo ahaa in la taageero Carruurta Soomaaliyeed ee Agoonta ah, isagoo intaas ku daray in Xukuumadda Beijing ay doonayso inay caawiso shacabka Soomaaliyeed.

“Waan ku amaanayaa doorka safaaradda Shiinaha ee Somalia ay ku  caawinayso shacabka Soomaaliyeed, sidoo kalena waxaan uga Mahad-celinayaa Danjiraha Shiinaha ee Somalia deeqda uu soo gaarsiiyay agoonta Xeradan ku nool, taasoo ka caawinaysa caruurta dhanka waxbarashada,” ayuu yiri Yuusuf.

Isagoo sii hadlaya Yuusuf Yaasiin ayuu xusay in safaaradda Shiinaha ee Somalia ay tahay safaaraddii ugu horreysay oo taageero noocan oo kale ah u fidisay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan carruurta agoonta ah.

Ugu dambeyn, Deeqdaan ayaa waxay isugu jirtay, kuraas, miisas, boorsooyinka lagu qaato buugaagta iskuulka, bustayaal iyo qalab kale, waxaana xerada Babdaado ku nool oo ay hoy u tahay 121-agoon Soomaaliyeed ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya