4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 30, 2015
Shirkadda Sahminta Shidaalka ee African Energy oo sheegtay inay isaga baxayso Deegaannada Puntland


Talaado, Juun 30, 2015 (HOL) — Shirkadda African Energy ee ka Diiwaan-gashan Dalka Canada, Sahmin Shidaalna ka wadday deegaanno ka tirsan Puntland ayaa ku dhawaaqday inay isaga baxday deegaannadaas, iyadoo u sababeysay ka bixideeda Puntland arrimo amni iyo Khilaafka Sahminta macdanta ee u dhexeeya maamulka Puntland iyo Dowladda Dhexe ee Somalia.

Mas’uuliyiinta shirkaddan oo xarunteedu tahay Vancouver ayaa sheegay inay ku wargeliyeen mas’uuliyiinta maamulka Puntland inay ka baxayaan deegaannadooda ayna joojiyeen heshiiskii wadaagga khayraadka ee ay kala saxiixdeen 2007-dii.

African Energy ayaa waxay baaris shidaal iyo qodiddiisa ka wadday Ceelasha Nugaal iyo Dharoor, iyadoo tani ay noqonayso markii ugu horreysay oo shirkaddu ay ku dhawaaqdo inay isaga baxayso gabi ahaan Puntland.

“Sababta aan uga baxayno Puntland Waxaa ka mid ah khilaafka u Dowladda Somalia  iyo maamulka Puntland eek u aaddan sharcinimada sahminta shidaalka Soomaaliya. Sidoo kale waxaa ka mid ah sababaha aan uga baxaynno dhulka shidaalka aanu ka baarayno oo muran uu ka taagan yahay la haanshihiisa,” ayaa lagu yiri warbixin ay shirkaddu soo saartay maanta oo Salaaso ah.

Warbixinta shirkadda sahminta shidaalka ayaa xusay inay haatan hayso sahminta in ka badan 60% deegaannada lagu tuhmayo shidaalka ee Puntland ku yaalla, iyadoo xustay in heshiiskii ay faa’iido-qaybsiga ku gashay uu ahaa 20% shidaalka lasoo saaro.

Dhanka kale, shirkadda African Energy ayaa sheegtay in qiimaha dhaca shidaalka ku yimid uu saameyn u yeelan karo faa’iido-wadaagga shidaalka la soo saaro, iyadoo aysan jirin wax war ah oo illaa hadda kasoo baxay dhanka Puntland.

Xukuumadda federaalka Somalia ayaa horay ugu dhawaaqday in shirkadaha caalamiga ah aysan heshiisyo shidaal baaris ah la geli karin maamullada ay ka midka yihiin Puntland iyo Somaliland, iyadoo aan lasoo marin dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Ugu dambehyn, Shirkadaha Sahminta Shidaalka ee Shell, ExxonMobil iyo kuwo kale oo badan ayaa horay looga dalbaday inay dib ugu soo laabtaan Soomaaliya, si ay u sii wadaan baaritaannadii shidaalka ee wixii ka horreeyay 1990-kii.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya