4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 30, 2015
XASAN SHEEKH: Talada Mustaqbalka Siyaasada ee dalka waa hawl inoo wada Taalla (SAWIRRO)


Talaado, Juun 30, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sh. Maxamuud ayaa maanta khudbad u jeediyay xildhibaannada baarlamanka Federaalka Somalia, isagoo uga Warbixiyay Xaaladda dalka iyo Waxqabadka Dowladda.

Xasan Sheekh ayaa Baarlamaanka ugu hambalyeeyay munaasabadda 55-aad sano guuradii kazoo wareegtay ee xornimada dalka ee 01-da Luuuliyo, isagoo sheegay in Soomaaliya ay weli horyaallaan arrimo badan oo muhiim ah oo u baahan in si wadajir ah loo wajaho.

“Waxaan kasoo gudubnay marxalad adag, welina waxaan ku jirnaa inaan dhisno Somalia cusub oo nabad lagu wada noolaado. Dowladda Federaalka waxay dhiirri-gelinaysaa nabadeynta iyo dib u heshiisiinta. Dhanka kale waxaa meel fiican maraya isbeddeladii ay dowladda ballan-qaaddey markii ay talada qabatay, sida amniga, adeegga garsoorka, qaabeynta maamulka maaliyadda iyo xoojintooda,’’ ayuu yiri Xasan Sheekh.

Sidoo kale, madaxweynaha Somalia ayaa xusay in hannaanka la socodka maaliyadda iyo xisaabaadka dowladda ay yihiin kuwo casri ah oo ay adag tahay in wax la is daba mariyo ama la musuqmaasuqo, sidaa darteedna dowladda iyo shacabku ay ku faani karaan in dalka uu ka jiro nidaam daah furnaan ah oo sal u noqon doona dhammaan adeegyada hay’adaha kala duwan ee dowladda, madaxda iyo mas’uuliyiinta dowladdana lala xisaabtami doono.

“Waxaa dhanka kale dalka ka jira ciriiri dhaqaaale oo taabtay inta badan nolosha dadka. Sidaad la socotaan waxaa caqabado ay la soo gudboonaadeen xawaaladihii, waxaa dalka ku yar shilinka Soomaaliga, dalka oo aan helin kaalmo lagu kabayo miisaaniyadda iyo dhibaatooyin kale. Intaas oo is biirsadey ayaa keenay marxalada xun ee dhaqaale ee maanta ina haysta, waxaana jira talaabooyin la doonayo in looga gudbo,’’ ayuu mar kale yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha Somalia ayaa sidoo kale ka hadlay arrimaha amniga oo uu sheegay in ciidamada dowladda, kuwa AMISOM iyo shacabka Soomaaliyeed ay ay si wadajir ah kaalintooda uga soo dhalaaleen dagaalka ka dhanka ah koooxaha Argagixisada, isagoo mar kale ku carabka ku adkeeyay in dowladda Somalia ay ka go’an tahay in waddanka la nabadeeyo, lagana sifeeyo kooxaha nabad diidka ah ee khatarta ku ah amniga dalka, kan gobolka iyo caalamka intaba.

Dhanka kale, Madaxweynaha Somalia ayaa xubnaha baarlamaanka u sheegay inaanay waxba ka jirin warar beryahan la isla dhex marayay oo sheegaya in Madaxweynuhu doonayo inuu baarlamanka kala diro.

“Ma jirto awood sharciyad ii saamaxaysa inaan baarlamaanka Soomaaliya kala diro, sidaa darteed wararkaasi waa kuwo aan waxba ka jirin oo been ah. Baarlamanka Somalia hawl muhiim ah ayuu inoo hayaa, xeer walba oo dalkeenna lagu dhaqayana idinka ayaa la idin ka fadhiyaa inaad ansixisaan. Waxaa idin horyaalla hawlo badan sida ka doodista iyo ansixinta guddiyada madaxa banaan ee muhiimka u ah inaan horey u sii dhaqaaqno, siiba dhinacyada amniga siyaasadda, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada,” ayuu Xasan Sheekh ku yiri khudbaddiisa.

Waxaa kaloo uu madaxweynaha Somalia sheegay in dowladda ay dhiirri-gelineyso xiriir wanaagsan iyo iskaashi ay la yeelato dalalka deriska, xiriirkaasina uu noqdo mid u daney-naya labada dhinac.

“Mar walba waxaan dhiirri-gelineynaa inaan nabad, xasilooni iyo saaxibtinimo kula noolaano dalalka aan deriska nahay. Way jiraan arrimo inagala dhexeeya deriska qaarkood, sida arrinta xudduudaha badda. Waxaan idin caddeynayaa in dowladdu ay difaaceyso go’aamadeeda ku aaddan ilaalinta xuquuqda dhuleed iyo qaranimo ee Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya’’.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Somalia wuxuu xusay in Somalia iyo dalalka dariska la ah ay iska kaashanayaan arrimaha amniga, isagoo dhanka kalena sheegay in la magacaabey guddi ka talo keena warar sheegaya in Kenya ay dooneyso inay derbi ku wareejiso xadka ay la leedahay Soomaaliya, tallaabadaas oo uu sheegay inaaney ahayn mid mira dhali karta.

Si kasta ha ahaateee, kulanka maanta ee baarlamaanka waxaa kaloo goob-joog ka ahaa ra'iisul wasaaraha xukuumadda Somalia, Cumar Cabdirashiid Cali Sharma'arke.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya