4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 30, 2015
Ammaanka Cadaado oo si aad ah loo adkeeyay iyo Murashaxiinta oo ka billaabay Ololaha Doorashada


Talaado, Juun 30, 2015 (HOL) — Maamulka degmada Cadaado ee Gobolka Galguduud oo la hadlay warbaahinta ayaa ayaa sheegay inay Amniga magaaladaas adkeeyeen, maadaama loo diyaar-garoobayo doorashooyinka madaxweynaha iyo ku xigeenka maamulka cusub ee Galmudug.

Gudoomiyaha Cadaado, C/llaahi C/raxmaan Xuseen ayaa isna sheegay in Amniga guud ee degmada gacanta ay gacanta ku hayaan, sidaas oo ay tahayna lasii adkeeyay ammaanka, si looga hortago wax walba oo ammaan-xumo ah.

Sidoo kale, guddoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa mar kale xusay inay marti-gelinayso degmada dhismaha maamulka Galmudug oo haatan meel gabagabo ah maraya, isagoo xusay in ka maamul ahaan ay ku dadaaleen sidii xubnaha ku sugan degmada Cadaado ay nabadgalyo ugu dhameysan lahaayeen howshooda.

Degmada Cadaado ayaa waxaa ka socda ololayaal ay sameynayaan xubnaha u taagan xilka madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug, Waxaana sidoo kale magaalada ku xarran sawirro iyo hal ku dhigyo ay sameysteen musharraxiinta.

Toddobaadka soo socda ayaa lagu wadaa in degmada Cadaado lagu qabto doorashooyinka madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug, iyadoo xilligan ay u taagan yihiin dhowr murashax.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya