4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 30, 2015
Hay’adda Hormuud Foundation oo 100,000 oo doollar ugu deeqday Agoon Soomaaliyeed (SAWIRRO)


Talaado, Juun 30, 2015 (HOL) — Hay’adda Hormuud Foundation ayaa 100,000 oo doollar ugu deeqday Agoon Soomaaliyeed oo ku jira 18-xero oo ku yaalla magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya.

Deeqdan lacageed ayay shirkaddu qaybisay 28-kii bishaan oo ku beegnayd Axdadii aynu soo dhaafnay, waxaana lacagtan gargaarka ah ay qayb ka tahay kaalmooyin ay hay’addu dhawanaahan kawadday Muqdisho, sida ay sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan hay’adda samafalka Hormuud Foundation.

Shirka looga qabtay bixinta deeqda lacageed waxaa goobjoog ka ahaa xubno ka socday 18 haya’dood oo xannaaneeya caruurta agoonta ah iyadoo madaxda Hormuud Foundation ay kala hadleen mas'uuliyiinta hay’adahan sida deeqdan loo gaarsiin karo caruurta agoonta ah.

“Waxaan ka mahad-celinaynaa kaalmadiinna, waxaana ballan-qaadaynaa inaan gaarsiinno carruurta agoonta ah ee aad ugu talo-gasheen, wixii mas’uuliyad ahna innaga ayay maanta na dul-saaran tahay,” ayay kulanka lagu bixiyay deeqdan lacageed ka yiraahdeen mas’uuli-yiintii hay’adaha xannaaneeya caruurta agoonta ah.

Maamulaha Hay’adda Hormuud Foundation, Muuse Axmed Nuur oo Gaba-gabadii ka had-lay kulanka ayaa sheegay in lacagtan ay ku caawiyanaan Agoonta Soomaaliyeed ay Qayb ka tahay Barnaamijyada Bisha Barakeysan ee Ramadaanka ay Shirkaddu ku Caawineyso dadka danyarta ah.

“Duco iyo Amaan idinka ayaa mudan; waayo waxaad haysaan carruur agoon ah oo qaar ka mid ah waalidkood waayay. Haddii aadan meel isugu keeni lahaynna maba garaneen qaab aan agoonta ku caawinno. Waxaan halkan idin ku gudoonsiinaynaa 100,000 oo doollarka Mareykanka ah si aad ugu wareejisaan caruurta agoonta ah,” ayuu yiri Muuse Axmed.

Ugu dambeyn, Hay’adda Hormuud Foundation ayaa Tan iyo markii Bisha Ramadaanka ay billaabatay Waxay wadday bixinta Kaalmooyin kala duwan, kuwaasoo ay ku Caawinayso Dadka dan-yarta ah sida; Maxaabiista, Barakacayaasha iyo sidoo kale Bukaannada ku jira isbitaallada Muqdisho.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya