4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 29, 2015
Sarkaal ka Tirsanaa Ciidamada ka socda Itoobiya ee AMISOM oo u baxsaday Dhinaca Al-shabaab


Isniin, Juun 29, 2015 (HOL) — Wararka laga helayo Degmada Ufuroow ee Gobolka Bay ayaa sheegaya in sarkaal ka tirsan Ciidamada Itoobiya ee Qaybta ah howlgalka AMISOM ee Somalia oo magaciisa lagu sheegay John ayaa isku dhiibay ururka Al-shabaab, kaddib markii uu ka baxsaday saldhig ay ciidamada AMISOM ee ka socda Itoobiya ku lahaayeen degmada Qansaxdheer oo ka tirsan Gobolka Bay.

Sarkaalka ayaa waxuu socad ku tagay Degmada ufurow oo degmada Qansaxdheere u jirta qiyaastii 18-km, halkaasoo ay ku sugan tahay xoogagga Ururka Al-shabaab, iyadoo aan la ogeyn sababta ku kalliftay askarigan inuu isku dhiibo kooxdan oo uu dagaal kala dhexeeyo.

Guddoomiyaha Degmada Qansax-dheere, Aadan Cabdi Qooqane ayaa warbaahinta qaar ka mid ah u sheegay in Sarkaalkan uu yahay midkii ugu Horreeyay oo ka tirsan Ciidamada ka socda Itoobiya ee AMISOM oo u baxsada dhanka Kooxda Al-shabaab.

Warar kale ayaa iyana sheegaya in sarkaalkan uu u Qaabilsanaa dhinaca saadka Ciidamada AMISOM ee ku sugan Degmada Qansax-dheere; iyadoo Sarkaalkan uu Xilligaan ku sugan yahay hadda degmada Ufuroow, iyadoo wararku intaas raacinyaan inay ka tageen degmada Diinsoor ergo loo diray inay Sarkaalkan geeyaan Diinsoor.

Degmada Diinsoor ee Gobolka Bay ayaa ah Saldhigga ugu weyn ee ay kooxda Al-shabaab ku leedahay Gobolka Bay, iyadoo baxsashada askarigan ka tirsanaa ciidamada Itoobiya ee AMISOM ay imaanayso xilli toddobaadkii hore uu dagaal culus meel ku dhow degmada Buur-hakaba uu ku dhexmaray xoogagga Al-shabaab iyo ciidamada Itoobiya, dagaalkaas oo dhaliyay khasaare xooggan.

Ugu dambeyn, degmada Qansax-dheere, Diinsoor iyo Ufurow oo dhammaantood ka tirsan Gobolka Bay ayaa waxay ka mid yihiin degmooyinka ka go'doonsan Gooblka intiisa kale, iyadoo laga xiray degmooyinkaas waddooyinka soo gala Baydhabo oo ah xarunta Gobolka Bay.

Hiiraan Online, Baydhabo