4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 29, 2015
KENYA: Hoggaamiyaasha Mucaaradka iyo Xukuumadda oo kawada Qayb-galaaya kulanka Kisumu


Isniin, Juun 29, 2015 (HOL) — Kulan maanta ka dhacaayo Mac'hadka Jaamacada Uzima ee magaalada Kisumu ee ku taallo galbeedka Kenya,  ayaa waxaa ka wada Qayb-galaayo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo hogaamiyaha Mucaaradka ee Raila Odinga.

Labadaan masuul oo ku loolamay doorashidii ugu dambeysay ee Kenya ka dhacday bishii March 2013, ayaa sidoo kale waxey kala hogaamiyo labada Xisbigi ee ugu weyn dalkaan oo kala ah; Isbaheysiga talada hayo ee Jubilee iyo Xisbiga Mucaaradka ee Cord.

Kulankaan oo ku saabsan dabaal-dag loo sameynaayo Jubilee, ayaa waxaa ka wada qeyb gali doono masuuliyiin kala duwan oo ka kala socdo labadaas xisbi, xili dhawaanahaan ay jireen eedeymo iyo dagaal afka ah oo warbaahinta ay isku marinayeen.

Sidoo kale, Madaxweynaha Kenya oo saaka gaaray magaalada Kisumu oo uu ka soo jeedo hogaamiyaha Mucaaradka Raila Odinga, ahna xarunta ugu weyn ee Xisbiga Mucaaradka Kenya, ayaa booqashadiisa waxey ka dambeysay balan-qaadyo uu ku sameyay Shirkii horay oga dhacay magaaladaas.

Dhanka kale, Madaxweyne ku xigeenka Kenya William Ruto oo isagana shalay gaaray deegaannadaas, ayaa tilmaamay in Isbahaysigooda Jubilee uu guul ka gaari doono doorashada xigto ee Kenya. Wuxuuna ku eedeeyay Mucaaradka iney carqaladeynayaan horumarka iyo hanaanka dowladnimo ee Kenya.

Si kastaba ha ahaatee kulankaan maanta ka dhacaayo magaalada Kisumu, ayaa wuxuu ku soo beegmaayo ayadoo Kenya ay hada isku diyaarineyso ololaha ku saabsan doorashada guud ee Kenya ka dhici doonto sanada 2017. Xili Guddiga madaxa banaan ee doorashoo-yinka iyo Xuduudaha Kenya ee magaciisa loo soo gaabiyo IEBC uu sheegay in dhawaan ay bilaabi doonaan diwaan galinta cod-bixiyaasha.

Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online
[email protected] | [email protected]
Nairobi – Kenya