4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 29, 2015
Xukuumadda Canada oo Soo Saartay Sharciyo Cusub oo la Xiriira Qaadashada Dhalashada Dalkaas

Isniin, Juun 29, 2015 (HOL) — Dowladda Canada ayaa wax ka badal xoogan ku samaysay sharciga dalkaasi gaar ahaan qaadashada dhalashada Kanadiyaanka ah, waxaan isbadalkan uu si xowli ah ku soo socday tan iyo bishan lixaad billowgeedi.

Waxyaabaha ugu muhiimsan ee looga baahan-yahay qofka ayaa ah  in mudada lixda sano ah ee la hirgaliyay afar kamid ah uu ku sugnaado gudaha Canada ,halka sharcigii hore uu ahaa in seddex sano uu wadanka joogo afarta sano ee la ogolaa.

“Waxaan ciribtiraynaa shaqo muddo qabyo ahayd ,waxaana wax ka badalaynaa howsheena si lamid ah waxaan xaqiijinaynaa sharciga dhalasho ee Canada si ay u sii ahaato mid qiimo badan “ ayuu yiri wasiirka Jinsiyadaha iyo Socdaalka Canada Chris Alexander oo arintan ka hadlayay.

“Tani waa balan la adkeeyay marka ay imaato kor u qaadista qiimaha sharciga dhalasho ee Canada,“ ayuu mar kale yiri wasiirka oo sheegay in sharciga haysashada daganaanashaha Canada aan waxba laga badalin ,waxaana ay ahaaan doontaa labo sano mudada shanta sano ah ee la sharciyeeyay.

Lacagta cusboonaysinta sharciga daganaanshaha oo hayd $50 ayaa sideedi sii ahaan doonta gaar ahaan dadka waa weyn ,walina waxaa jira fursado muhiim ah oo aad ku dalban karto sharci shaqaynaya oo daganaanashaha ah .

Wasiirka waxa uu sheegay in dadka looga baahan-yahay in ay raacaan wax ka badalkan hadda la sameeyay ,isla markaana kuwa aan dhaqan galin shuruuddan labada sano ah laga kansali doono sharciga daganaanshaha loona diri doono laanta soccdaalka.

Laga bilaabo 11-bisha Juun ee sanadkan 2015-ka CIC waxa ay aqbali doontaa codsiyada cusub,iyadoo codsiyada la keeno wixii ka danbeeyay 11-June ,isla markaana aan raacin habka cusub waxaa loo tixgalin doonaa in ay yihiin kuwa aan dhamaystirnayn.

Codsiyada aan dhamaaystirneen waa in mar kale dib loo soo celiyaa ,iyada oo la tixraacayo habka cusub ee xaraynta codsiyada,waxaan dhinaca kale kor loo qaaday lacagta lagu heli karo dhalashada Canada ,waxaana laga dhigay $630 dadka qaan gaarka ah iyo $200 oo ah dadka aan qaan gaarin.

Ugu dambeyn, nidamkan cusub oo ka kooban 26-qodob ayaa ka dhigaya qaadashada dhalashada Canada mid adag oo qaali ah ,iyadoo CIC ay qofka uga baahnaan doonto cadayn rasmi ah oo dhinaca daganaanashaha la xriirta ,kana qayb-ah xaraynta codsiyada dhalasho ee Canada.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]