4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 29, 2015
Marxuumiin ku Geeriyooday Shil Gaari oo Maanta Aas Qaran loogu Sameeyey Magaalada Hargeysa


Isniin, Juun 29, 2015 (HOL) — Alla ha u raxmadee waxaa maanta aas Qaran duleedka bari ee magaaladda Hargeysa loogu sameeya saddex qof oo ku geeriyooday shil gaari oo shalay ka dhacay waddada isku xidha magaalooyinka Berbera iyo Hargeysa.

Saddexdan marxuum ayaaa kala ahaa Wariye Maxamed Daa’uud Yuusuf oo ka tirsanaa Telefishanka Horn Cable tv, Agaasimihii qorsheynta ee wasaarada Maaliyadda Wali Daaa’uud Cigaal iyo askarigii ilaaladda u ahaa wasiirka Maaliyadda Muuse Cali Haybe.

Saddexdan marxuum ayaa hawlo shaqo ugu baxay magaaladda Berbera, waxaanay usoo jeedeen magaaaladda Hargeysa iyagoo doonayey inay ka soo gaadhaan Afurka, haseyeeshee waxa uu Wadkii ku helay meel u dhow magaaladda, ka dib markii gaadhi Booyad ah ay is jiidheen.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan Saylici, wasiiro, xildhibaano, wariyeyaal iyo boqolaal dadweynaha Reer Hargeysa ah ayaa iskaga kala yimid aaska oo samaynayey saddexdan marxuum.

Dadweynihii goobta iskugu yimid oo ka murugaysnaa geeridda saddexdan marxuum ayaa ilaahay u baryey inuu janaddii fardawsa ka waraabiyo..

Dhinaca kale, waxa saddexdan marxuum tacsi u diray madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, isagoo bulshadda ka tacsiyadeeyey geeriddan naxdinta leh ee saddexdan marxuum.

“Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa tacsi u diray Ehelada Marxuumiinta Geeriyooday Waxaana lagu yidhi Qoraal Madaxweynuhu soo saaray:

Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu tacsi u dirayaa, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland, ee ay ka geeriyoodeen

1. Marxuum Weli Daauud Cigaal (masuul sare oo ka tursanaa Wasaaradda Maaliyada qaybta Qorshaynta)

2. Marxuum Maxamed Daauud Yuusuf (Weriye ka tirsanaa Horn cable Tv) iyo

3. Marxuum Muuse Cali Haybe (Askarigii ilaalada u ahaa wasiirka Maaliyada) oo shil baabuur oo naxdin leh ugu geeriyooday inta u dhaxaysa Berbera iyo Hargeysa ka dib markii ay dulmartay gaadhi booyad ahi,  gaadhigii ay saarnayeen saddexdaa marxuum shilkaasina ay ku geeriyoodeen.

Madaxweynuhu wuxuu Alle uga baryayaa marxuumiintan inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga  Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.”ayaa lagu yidhi qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweynaha.

Si kastaba ha ahaatee, shilalka ugu badan ayaa ka dhaca jidka u dhexeeya berbera iyo Hargeysa, kaas oo kalaaftay nololo badan, isla markaana aan weli xad loo helin waxyaalaha sababaya shilalkan.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland