4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 29, 2015
Hay'adda Soyden oo Tababar uga soo xirtay Beledweyne Xubno ka tirsan Bulshada (Sawirro)


Isniin, Juun 29, 2015 (HOL) — Hay'ada hormarinta & isku-xirka dhallinyarada ee Soyden ayaa Tabbabar iyo aqoon is-weydaarsi soconayay muddo shan Casho ah waxay magaalada Beledweyne ugu soo xirtay xubno ka socday qeybaha kala duwan ee bulshada.

Aadan C/llaahi Barre oo ah madaxa mashruuca Quraca Nabadda ee Soyden, islamarkaana casharada ka bixinayay tababarka, ayaa sheegay in ujeedada laga lahaa aheyd oo kaliya in bulshada laga wacyi-galiyo qabyallada, lana abuuro jawi lagu wadda hadali karo, iyadoo meel leyska dhigayo wixii khilaafaad ah ee bulshada u dhaxeeya.

“Tababarkan waxaa uu ahaa tababar ''Tiiraanyo Bixin ah'' oo haddii aan si kale u dhigno micnihiisu yahay in bulshada isa saamaxdo, lana abuuro jawi ama dariiq lagu wadda hadali karo, siddaa daraadeed waxaa uu ahaa tababar fure u ah dib-u-hishiisiin dhab ah oo bulshada dhaxdeeda laga abuuro ayuu yiri Aadan C/llaahi Barre.

Dhinacyadii ka qeyb-gallay ayaa is weydaarsaday aragtiyo kala gadisan iyo fikrado ku saleysan sidda ugu fudud ee bulshada leysugu keeni karo, iyadoo meesha laga saarayo khilaadka jira iyo kala xir xirnaata bulshada dhaxdeeda ah.

Marka laga soo tago xubnihii ka socday qeybaha bulshada ee tababarka ka qeyb-gallay, siddoo kale waxaa qeyb ka ahaa xubno ka socda ciidammada booliiska oo laftirkooda sheegay in ay wax badan ka faa'ideen.

Ugu danbeyntii, ka qeyb-gallayaasha tababarka ayaa la guddoonsiiyay shahaado sharaf, waxaana lagula dardaarmay in ay bulshada inteeda kale ee aan nasiibka u yeellan gaarsiiyaan waxyaabihii ay ka barteen aqoon is-weydaarsiga.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya